Warbixin: Xasillooni la’aanta xilalka Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Xoogga ( 3 Sanadguuro 3 Wasiir iyo 3 Taliye)

by admin | Thursday, Apr 11, 2019 | 793 views

Munaasabadda 12-ka April ee sanad guurada 59aad ee Ciidamada xoogga dalka ayaa sanadkan la xusayaa markii 3aad oo uu Madaxweyne Farmaajo talada haayo, iyadoo saddexdaas jeerna ee Munaasabadda 12-ka April ay ka wada qeyb galeen Saddex Taliye iyo 3 wasiir Gaashaandhig.

 

Saddexda jeer ee la xusayay tan iyo sanadkii 2017 waxaa Munaasabadaha ka soo muuqanayay Taliyeyaal iyo Wasiiro cusub, waxaana xil heyntoodana aheyd muddo bilooyin, waana tan keentay xasillooni la’aanta heysa xilalkaas oo cid kasta oo timaada aanay sanad dhameysan.

Dad badan ayaa dood ka keenaya qaabka uu wax ku xusho Madaxweyne Farmaajo oo mar walba si qalad ku dhamaata, iyadoo labadii sano ee u dambeeyay Wasiirada Gaashaandhigga ee la magacaabay ay dhammaantood ahaayeen kuwo aan laheyn khibrad ciidan iyo aqoon dowli ah, marka loo eego taariikhdooda.

Inkastoo Madaxweynuhu yahay Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida oo si gaar ah Mas’uuliyadda arrimaha Ciidamada u taabaneysa, hadana waxaa uu wajahaya culeys iyo caqabado la xiriira dhismaha Ciidamada Qalabka sida.

Hadaba waxaa raad-raac ku sameyn doonaa saddexdii jeer ee la xusay Munaasabadda 12 April inta uu Madaxweyne Farmaajo talada haayo.

1- Munaasabaddii 12-ka April ee sanadkii sanadkii 2017 waxaa xilligaas Wasiir Gaashaandhigga ahaa C/rashiid C/llaahi Maxamed oo aan markiisa hore arrimaha ciidanka aqoon durugsan u laheyn, kana soo shaqeeyay arrimaha sama falka, waxaa sidoo kale xilligaas Taliyaha Xoogga dalka ahaa Jen. Axmed Jimcaale Cirfiid oo markii labaad xilkan loo dhiibay, waxay labaduba is casileen todobo bilood markii ay xilka hayeen

Sidoo kale Munaasabaddii 12-ka April ee dhacday sanadkii 2018 waxaa Wasiir Gaashaandhigga ahaa Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo hadda ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka, halka Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Jen. C/weli Jaamac Gorod.

Munaasabadda 12-ka April ee sanadkan 2019 sanad-guurada 59aad ee aas aaska Ciidamada Xoogga dalka waxaa dalka Wasiir Gaashaandhig ka ah Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) oo ah ninkii ugu da’da yaraa ee abid soo mara Wasiir Gaashaandhig, isagoo aqoon badna u laheyn arrimaha ciidamada, wuxuu ahaa Ganacsade dalalka deriska ka shaqeysanayay,  halka Taliyaha Ciidanka xoogga dalka uu yahay Jen. Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe oo isna xilkan markii labaad loo magacaabo.

Ugu dambeyn Xasilloonida la’aanta heysata xilalkan ayaa la is weydiinayaa inuu halkeeda ka sii socon doono iyo in kale, iyadoo hadba lagu qiimeyn doono is bedelada dhaca iyo wajiyada ka soo muuqan doono munaasabadda 12-ka April ee sanadka dambe.

Like it? Share it!

Leave A Response