Wasiir Fiqi oo sheegay in Dowladda Federaalka ay kordhisay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.

by admin | Monday, Mar 18, 2024 | 43 views

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Dowladdu ay ka go’an tahay sidii ay usoo afjari lahayd falalka amniga liddiga ku ah & ciribtirka ‘AS’.

Fiqi ayaa ciidamada ammaanka ku bogaadiyay kordhinta howlgallada ay wadaan si ay uga hortagaan falalka kooban ee nabadgalyada liddiga ku ah ee maalmihii u dambeeyay ka dhacayay magaalooyin kala duwan oo caasimaddu ay kamid tahay.

Saraakiisha, Ciidamada iyo Dadka Shacabka ayuu usoo jeediyay in ay sameeyaan iskaashi dhexdooda ah oo ay ku xoojinayaan howlgallada lagu sugayo amniga guud ee Dalka waa sida uu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Askarta ayuu uga mahadceliyay sida xilkasnimada ku dheehan tahay oo ay uga howlgalayaan Magaalada Muqdisho iyo deegaannada kale waxaana uu tilmaamay in dhacdooyinka yaryar ee dhacaya waqti dhow lasoo afjari doonno.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi waxa uu kamid ahaa mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kormeeray qaar kamid ah Degmooyinka iyo baraha lagu hubiyo Gaadiidka ee Magaalada Muqdisho

Like it? Share it!

Leave A Response