Wasiir ka tirsan Galmudug oo ka mid ah noqday dadka ku waxyeeloobay Qaraxa Elite

by admin | Sunday, Aug 16, 2020 | 407 views

Wasiir Howlaha Guud Iyo Guryenta Galmudug Ahmed Washington ayaa dhaawac culus kasoo gaaray Qaraxa ka dhacay Hoteelka Elite ee Muqdisho iyo weerarka ka socda.

Waxaa sidoo kale gudaha Hoteelka Wali ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidanka Amniga iyo Kooxdii weerarka soo qaaday.

Goobjoogayaal ayaa  u xaqiijiyay  warbaahinta  in khasaare badan uu ka dhashay Qaraxa, maadaama goobta uu ka dhacay ay maraayeen dad Shacab ah oo badan.

Like it? Share it!

Leave A Response