Wasiirka Amniga DG Jubbaland Gen. Dhuumaal oo sheegay in ay diyaar u yihiin howlgal ka dhan ah AS.

by admin | Sunday, Nov 27, 2022 | 229 views

Dhuumaal ayaa sheegay in Jubbaland ay ka go’an tahay sidii gacanta uga dhigi lahayd deegaannada ka maqan, abaabulka socda uu yahay mid ka dhan ah AS si looga qabsado magaalooyinka ay heysato.

Gen. Yuusuf Dhuumaal ayaa tilmaamay in Wasiirka Gaashaandhigga XFS & Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la kulmay Madaxweynaha DG Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Saraakiisha Federaalka & mas’uuliyiin katirsan Dowlad-Goboleedkaas ay kawada hadleen fulinta howlgallo.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah AS ee ka socda Dowlad-Goboleedyada kale uu muhiim u yahay Jubbaland si wadajir loogula dagaalamo.

“Guud ahaan dalka waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah Khawaariijta, waxa aan indha-indheenay xaaladda guud ee Jubbaland, deegaankaan waxa uu muhiim u yahay dagaalkaas, waxa aan ka tashanay sida loo xoreyn karo deegaannada Dowlad-Goboleedka Jubbaland ee gacanta cadawga ku jira” Wasiirka Gaashaandhigga XFS.

Madaxda DG Jubbaland ayaa dhowr jeer ku dhawaaqday howlgallo ka dhan ah AS si gacanta ay uga dhigaan deegaannada ka maqan Dowlad-Goboleedkaas balse weli kuma dhaqaaqin howlgalladaas.

Jubbaland waxaa si buuxda gacantooda uga maqan Gobolka Jubada Dhexe, Dowlad-Goboleedkaas ayaa sheegay in abaabulka socda uu qorshihiisu yahay sidii ay u qabsan lahaayeen Caasimadda Jubbaland.

Like it? Share it!

Leave A Response