Wasiirka Amniga Ma Is Casili Doonaa Mise Waa La Eryi Doonaa?{XOG: }

by admin | Saturday, Mar 24, 2018 | 1208 views

Tan iyo markii au timid xukuumadda Ra’iisul wasaare Kheyre waxaa la isku dayey in la adkeeyo ammaanka magaalada Muqdisho, iyadoo la xiray waddooyin badan oo magaalada ah.
Hase ahaatee qorshaha ay la timid wasaaradda amniga, gar ahaan wasiir Islow waa uu socon waayey, sababtuna waxay tahay ammaanka ayaaba kasii daray.

Waxaa dhintey Maalin qura dad ka badan intii qaraxyada ku dhimatay dowladihii dalka soo maray, gaar ahaan laga soo bilaabo midda C/laahi Yuusuf.

Hadda waxaa isku dheggan Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo sidoo kale wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow Ducaalle.
Islow ayaa la faray in jagada uu baneeyo, is casilo, xil kalena loo dhiibi doono, hase ahaatee waa uu ka biyo diidey arrintaasi.

Wasiirkan ayaa haddii aanu is casilin waxaa shaqada looga eryi doonan warqad kasoo baxda Xafiiska Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Like it? Share it!

Leave A Response