Wasiirka Caddaaladda XFS oo Shacabka ku sugan deegaannada ay ku wajahan yihiin ciidamada DFS ugu baaqay in aanay guryahooda ka barakicin.

by admin | Tuesday, Aug 22, 2023 | 124 views

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Macalin oo Warbaahinta la hadlay ayaa bogaadiyay howlgallada Ciidamada iskaashanaya ay kawadaan deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Galmudug gaar ahaan Gobolka Galgaduud.

Wasiir Xasan ayaa Shacabka ku nool deegaannada ay weli ku sugan yihiin ‘AS’ ugu baaqay in aanay guryahooda ka barakicin maadaama ay ku wajaha yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Dadka deegaanka waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu tilmaamay in Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Galmudug ay u qorsheeyeen in fursadaha Dowliga ah ee ka maqan dadkaas ay heli doonnaan marka si buuxda gacanta loogu dhigo deegaannada weli ay joogaan ‘AS’.

Ciidamada iskaashanaya ee Federaalka, Dowlad-Goboleedka iyo Dadka Deegaanka ayuu shaaciyay in ay aqoon u leeyahay dadka deegaanka iyo weliba deegaannada ay joogaan sidaas awgeed mas’uuliyad ay ka saaran tahay ilaalinta naftooda & hantidooda waa sida uu yiri.

“Waxa idiin soo socda waa Dowladiina oo daryeelkiinna ayay idiin wataa, anaga ayaa soo socona oo idiin imaaneyno, waxaa rabnaa in guryihiina aad joogtaan oo aan la cararin cadawga muddada idin heystay, Nimankaas way ka dhammaatay ee ka hara, horumar, Waxbarasho & fursado kala duwan ayaa idiin soo socda, ciidanka xoogga dalka waxa aan ku bogaadinayaa in ay sii kordhiyaan howlgallada ay wadaan” Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Xasan Macalin.

Dowladda Federaalka ayaa dhaqdhaqaaq xooggan kawada deegaanno katirsan Bariga Gobolka Galgaduud, saraakiisha ciidamada Federaalka ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Waxbo iyo deegaanno kale oo hoostaga Magaaladaas.

Like it? Share it!

Leave A Response