Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo sheegay in howlgallada ka dhan ah ‘AS’ ee DG Jubbaland uu xoogeystay.

by admin | Friday, Mar 3, 2023 | 213 views

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa Ciidamada Dowladda Federaalka & Daraawiishta DG Jubbaland kula dardaarmay in ay kordhiyaan howlgallada ka dhan ah ‘AS’ ee deegaannada Dowlad-Goboleedkaas.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in howlgallada ka dhan ah ‘AS’ ee ka billawday Gobollada Dalka gaar ahaan Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Galmudug laga gaaray guullo muhiim ah laguna qabtay Magaalooyin kala duwan.

Ciidamada Federaalka & Daraawiishta DG Jubbaland ayuu sheegay in ay ku ballameen fulinta howlgallo xooggan si la isugu xiro guud ahaan howlgallada ka socda Dowlad-Goboleedyada hoostaga Dowladda Federaalka.

“Sida aad la socotaan Dalka guud ahaan waxaa ka socda howlgallo ballaaran, markii aan halkaan ku kala tageynay deegaanno badan oo aan xor ahayn oo Khawaariijtu Dadka Soomaaliyeed ku dhibaateyneysay ayaa xor ah, waxaa la rabaa in la dardargeliyo howlgallada, Saaxiibadiina Hir-Shabeelle & Galmudug waxa ay qabteen shaqo muhiim ah oo cadawga uga xorreeyeen meelo muhiim ah” Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Dowlad-Goboleedyada Jubbaland & Koofur Galbeed waxaa ka socda abaabulka howlgallo ka dhan ah ‘AS’ oo uu ku dhawaaqay Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud si gacanta loogu dhigo Magaalooyinka iyo deegaannada ka maqan gacanta labad Dowlad-Goboleed.

Like it? Share it!

Leave A Response