MW Faransiiska Emmanuel Macron oo sheegay in Saldhigyada Afrika uu ciidankiisa ka saaray uu u baddelayo Xeryo tababar.

by admin | Saturday, Mar 4, 2023 | 232 views

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo ka qaybgalaya shir looga hadlayo deegaanka oo lagu wado in uu ka dhaco Dalka Gabon ee dhaca Bartamaha Afrika ayaa sheegay in uu soo dhammaaday gumeysigii Dalalka Yurub gaar ahaan Faransiiska ee Qaaraddaan.

Macron ayaa Afrika ugu baaqay in iskaashi wanaagsan ay wadaagaan, saldhigyada uu ka saaray ciidamada dalkiisa ka socday ee joogay dhowr waddan oo Qaaradda ah ayuu tilmaamay in loo baddelayo xeryo lagu tababaro ciidamada dalalkaas.

Waxa uu sheegay in Qaaradda Afrika ay ku xooggeysteen Turkiga, Ruushka, Shiinaha & Mareykanka halka doorka Faransiiska uu meesha kasoo idlaaday balse xalka keliya ku habboon ee ah in dib usoo celinta xiriir ku dhisan caawinaada xoogga saarayaan.

Faransiiska ayaa ciidamadii ka joogay Mali, Burkina Faso & Jamhuuriyadda Afrika Dhexe ka saaray kaddib markii Askar iyo saraakiil looga dilay Dalalkaas, kooxo hubeysan oo dagaal kawada dalalkaan ayaa dib ula wareegay goobaha ay isaga baxeen Ciidamada France.

In ka badan 3,000 (Saddex kun) oo Askar & Saraakiil Faransiis ah ayaa weli baaqi kusii ah Qaaradda Afrika, waddamada ay kala joogaan ayaa kala ah: Senegal, Ivory Coast, Gabon & Djibouti, waxaa socda qorshe howlgalka Militari ee France loogu baddelayo mid uu ku taageerayo Dalalka Afrika.

Faransiiska ayaa gumeysiga Qaaradda Afrika soo billaabay qarnigii 17aad, waxa uu cagta dhigay dalal dhowr ah oo illaa haatan looga hadlo Afkiisa, Dad iyo dhulba wuu u saameeyay Faransiisku waddamada uu isticmaarsaday.

Like it? Share it!

Leave A Response