Wasiirka Warfaafinta oo hortegay Xildhibaannada Golaha Shacabka

by admin | Sunday, Dec 15, 2019 | 613 views

Waxaa goordhow furmay kulanka xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya,kaas oo uu hortegay Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Kulanka waxaa shir guddoominaayo guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka mudane Abdiweli Sheikh Ibraahim Muudeey,waxaana xildhibaannada ay haatan su’aalo weeydiinayaan Wasiir Maareeye.

11 Xildhibaan ayaa dhawaan dalbaday in uu Wasiirka horyimaado wax looga weeydiiyo arrimo la xiriira sharciyada Warbaahinta Qaranka.

Sidoo kale Xildhibaannada ayaa ka doodaya soo afjarka Dooda Akhrinta 2-Aad ee Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Like it? Share it!

Leave A Response