“Waxaanu Ku Jirnaa Waqti Adag” – Tababaraha Real Madrid Oo Runta Sheegay

by admin | Sunday, Oct 7, 2018 | 1027 views

Tababaraha kooxda Real Madrid, Julen Lopetegui ayaa qiray in naadigiisu uu ku jiro xaalad adag kaddib labadii guul-darro ee xidhiidhka ahaa ee Alaves iyo CSKA Moscow.

Real Madrid ayaan wax gool ah dhalinin in ka badan 400 daqiiqadood oo ka dhigan afar ciyaarood iyo badh, waxaana muuqata inay ku jirto qalalaase u baahan xal degdeg ah.

Lopetegui ayaa lasoo jeedinayaa inay tahay in shaqada laga caydhiyo, hase yeeshee ciyaartooyada ayaa uu kalsooni buuxda ka haystaa, inkasta oo madaxweyne Perez uu isaguna shaqsiyan u taabacsan yahay macallinkan uu kasoo afduubtay xulka qaranka Spain waxyar ka hor Koobkii Adduunka.

“Dabiiciyan, waanu niyadjabsanahay sababtoo ah waxa aanu doonaynay inaanu guuleysano, si wacanna waanu u bilownay, fursado abuurnay, una ciyaarnay si habboon, laakiin xaqiiqadu waxay tahay inaanaan gool dhalinin oo lanagu ciqaabay.” Sidaas ayuu yidhi Lopetegui.

Inkasta oo rikoodh xun loo diiwaangeliyey Real Madrid, haddana waxa uu tababaruhu sheegay in loo samro oo ay tahay wakhti hore, hase yeeshee uu masuuliyadda guul-darrooyinkan qaadanayo.

Lopetegui waxa kale oo uu ka hadlay dhaawacyo haleelay Karim Benzema iyo Gareth Bale oo soo laabtay kaddib usbuuc uu maqnaa, kuwaas oo uu tilmaamay inay saamayn badan ku yeesheen.

Real Madrid ayaa helaysa wakhti firaaqo ah toddobaadka soo socda oo ay fasax gelayaan horyaalladu, marka laga soo laabto ayaanu u bilaabmi doonaa imtixaan adag waxaana iskugu xigi doona Leganes iyo Barcelona.

Like it? Share it!

Leave A Response