Webiga shabeelle oo karkaarada jabsay iyo dadkii horey uga barakacay magaalada oo loogu baaqay inaysan ku soo noqon

by admin | Friday, Dec 6, 2019 | 619 views

Webiga Shabelle ayaa laga cabsi qaba in fatahaad kale uu ka geysto magaalada Baladweyne kadib markii uu buux dhaafay xili bulshada magaalada ay la daalan dhacayaan fatahaadii hore.

Gudoomiye ku xigenka arimaha bulshada gobolka Hiiraan sheekh Xusen Cisman cali   ayaa bulshada magaalada Baladweyne ugu baaqay inay ka digtonaadan fatahaad uu markale  sameeyo webiga shabelle.

Sheekh Xusen Cisman Cali ayaa dadka ugu baaqay in laga fogaado hareeraha wabiga islamarkaana dadkii horay u barakacay aysan magaalada dib ugu soo noqon.

Like it? Share it!

Leave A Response