Faafaahin:Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

by admin | Friday, Dec 6, 2019 | 662 views

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baayaan dagaal culus oo Maanta Deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Hiiraan ku dhex-maray Ciidamo dadka deegaanka ah iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid,sida la sheegay ,kadib markii ay Al-Shabaab weerar kusoo qaadeen deegaanka Ceel-Cadde ee Gobolka Hiiraan,halkaas oo ay gacanta ku hayeen dad is aruursaday,kana soo horjeeda Maamulka Al-Shabaab,waxaana halkaasi kadhacay dagaal in ka badan hal saac socday.

Dadka deegaanka Ceel-Cadde ayaa goorsii horeysay waxaa ay sheegeen in dagaalkaas ay ku geeriyoodeen in ka badan laba ruux,isla markaana intii uu dagaalka socday ay la wareegeen deegaanka Ururka Al-Shabaab.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in gebi ahaan isgaariinta Magaalada la jaray aanan sirasmi ah loo ogaan karin xaalada ka jirta,sidoo kale Ciidamada deegaanka ay u baxeen deegaano dhaca duleedka Ceel-Cadde.

Si kastaba dagaalka Maanta kadhacay deegaanka Ceel-cadde ee Gobolka Hiiraan weli kama hadlin Maamulka Gobolka Hiiraan iyo la wareegitaanka deegaankaas ee Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response