Wiil aabbihii ku dhaawacay magaalada Muqdisho ee caasimada soomaaliya

by admin | Monday, Aug 6, 2018 | 1236 views

Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Xarriyaale ee degamada Warta Nabadda waxaa ay sheegayaan in Wiil uu Aabbihii xalay ku dhaawacay degmada gudaheeda halkaas oo uu Odayga ka soo gaaray dhaawac culus.

Goobjooge ka mid ah dadka degaanka gaar ahaanna halka uu shilka ka dhacay ayaa u sheegay  warbaahinta   in Odayga dhaawaciisa uu halis yahay kaddib markii Middi looga dhuftay qeybta sare ee jirka.

Ciidamada amaanka ayaa xalay mar xiray wiilka  aabbihiis dhaawacay hayeeshee goor dambe ayaa la sheegayaa in ay sii daayeen iyada oo aan wali sababta la sheegin.

Sanadkan gudahiisa dhowr shil oo noocan ah oo ay dad ku dhinteen ayaa ka dhacay Muqdisho gaar ahaan Degmooyinka Hodon, Dharkenley,Kaaraan iyo Warta Nabadda oo ugu dambeysay.

Like it? Share it!

Leave A Response