Xasan Sheekh oo qoraal kasoo saaray xaalada dalka & shirka doorashada

by admin | Monday, May 24, 2021 | 285 views

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud sidoo kale kamid ah Xubnaha Midowga Musharixiinta ayaa qoraal gaar ah kasoo saaray xaalada dalka Soomaaliya iyo shirka looga hadlayo arrimaha doorashada ee ka socda Magaalada Muqdisho.
Qoraalka Xasan Sheekh ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay shirka wadatashiga ee ka socda Muqdisho, iyad aoo la rajeeyay inay kasoo baxaan wax guul ah & natiijooyin wax ku ool ah si looga gudbo caqabadaha doorashada.

Sooyaalka siyaasadda dalkeena waxa uu na barayaa in wadahadal kasta oo niyad-wanaag ku saleysan uu dhaliyo natiijo ay dadkeennu ku diirsadaan. Waxaan saamileyda siyaasadda, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo saaxiibada Soomaaliya ugu baaqayaa inay door ka qaataan sidii uu shirku ku guuleysan lahaa, Heshiis wadar oggol ah oo laga gaaro maamulka doorashooyinka waqtigooda dhaafay waxay ummadda Soomaaliyeed u leedahay muhiimmad weyn oo ku qotonta jiritaanka dalkeena iyo wax la qeybsiga dunida asaaggeena ah ayuu yiri” Xasan Sheekh.
Sidoo kale qoralka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa lagu sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay ku jirto xaalad halis ah oo u baahan in loo wada istaago lagana badbaadiyo burbur hor leh. Dhammaanshaha muddo-xileedka sharciga ah ee hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka oo hubanti la’aan geliyay dowladnimada dalka
“ Qatarta maanta dalka haysata ma aha oo kaliya in hay’adihii fadaraalka ee dalka isku hayay ay sharciyaddii ka dhammaatay ee waxaa kala qeybsan golayaashii sharci dejinta, golihii fulinta ayaa inta badan curyaansan, hay’adihii amniga ayaa qeybsan. Haddaba xaaladda ay ku sugan yihiin hayadaha fadaraalka ayaa keeni karta in nabad geliyada dalka ay qar ka sii dhacdo, taas oo fursad siin karta cadowga. Sidoo kale waxaa qatar ku jirta midnimada dalka oo hay’adaha Federaalku yihiin kuwa isku haya dawladaha xubnaha ka ah dowladda Federaal ka ayaa sidoo kale lagu yiri” Qoraalka Xasan Sheekh.
Ugu dambeyn Madaxweyn ihii hore ee Soomaaliya ayaa qoraalkiisa ku sheegay inay ka welwel san yihiin in nidaaamka deyn-cafinta oo muddo siddeed sano ah soo socday uu gebi ahaanba burburo, taas oo ay ka dhalan karaan natiijooyin aan la mahadin oo dhaqaalaha dalka ee lita hoos usii dhiga. Xiriirka hay’adaha, ururrada iyo dowladaha dunida oo dadaal badan lagu bixiyay soo celintiisa marxaladda adag ee uu dalku ku jiro aawgeed.

Like it? Share it!

Leave A Response