Xassan Sheekh “ Cid kasta oo dhibsatay dariiqii aan u marnay dhismihii Hirshabeelle waxaan diyaar u nahay in aan daaweyno

by admin | Tuesday, Feb 5, 2019 | 848 views

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo maanta soo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in ujeedada socdaalka isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo.

Xassan Sheekh oo xarunta maamulka gobolka Hiiraan kula hadlayay qeybaha kala duwan ee bulshadii soo dhaweyntiisa ka qeybqaadatay ayaa sheegay in ujeedada socdaalka isaga iyo wafdiga uu horkacayo ay ku soo gaareen magaalada Beledweyne tahay sidii leysaga qancin lahaa tabashooyinka jira iyo in la xaal mariyo sida uu hadalka u dhigay cid kasta oo dhibsatay dariiqii loo maray dhismaha maamulka Hirshabeelle.

‘’Waxaan halkan u imid ( Beledweyne) intii aan mas’uuliyada hayay howshii aan Qaranka u heyay oo aan u arkayay in ay aheyd waajib dastuuri ah in aan qabanno, cid kasta oo dhibsatay, ama nagala-kulantay wixii ay naga filayeen wax ka gaaban, darajo ha noqoto, wax dheef ha noqoto ama hadal intaba in aan daaweyno’’ ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sheegay in arrimahaas oo dhan u dhaceen sida uu hadalka u dhigay farsamo xumo, isaga oo meesha ka saaray in ay jirtay sida uu hadalka u dhigay qadarin la’aan.

‘’Farsamo mar walba wey qaldami kartaa, waana la sixi karaa, laakiin niyad xumadu wey dhib badan tahay, qof shalay faraxsanaa ayaa laga yabaa in uusan maanta farax-saneyn, qof shalay aan ku farax-saneyn sida ay wax u socdaan-na waxaa dhici karta in uu maanta faraxsan yahay, Annaga mar walba waxa aan u socno waa in bulshada ku dhaqan gobolkan ( Hiiraan ) iyo guud ahaanba dalka iyagu soo doortaan madaxdooda, waana tan keentay in aan nidaamka xibiyada u gudubno’’ ayuu hadalka sii raaciyay.

Xassan Sheekh oo soo hadal qaaday dhismihii maamulka Hirshabeelle’’ ayaa yiri Nin Geel jire ah ayaa waxaa laga sheegay War haddii aan qaldamayna Hal Soddon qadday ayaan Ceelka keenay’’ Haddii aan wax saxay-na Hal Soddon qadday ayaan Ceelka Keenay’’ Annaga waxaan leeyahay haddii aan qaldan-nay maamulka Hirshabeelle ayaan dhisnay, Haddii aan saxan-nahayna maamulkaas Hirshabeelle ayaan dhisnay’’ mar walbana maamulkaas waxaa madax ka noqonaya dad labadan gobol Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ka yimid, cid kale oo kor uga imaneysa ma jirto’’ ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

Guud ahaan marka la eego khudbada madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh uu ka jeediyay magaalada Beledweyne ayaa u muuqatay in ujeedada socdaalkiisa ku saleysan tahay sidii loo dhameyn lahaa khilaafkii ka abuurmay dhismihii maamulka Hirshabeelle oo gaar ahaan Ugaas Xassan Ugaas Khaliif oo  ay siweyn isaga hor yimaadeen.

Like it? Share it!

Leave A Response