Xeer Ilaaliyaha Qaranka”La dagaalanka Musuqa & la dagaalanka Al-Shabaab waa isku mid”

by admin | Monday, May 18, 2020 | 455 views

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Soomaaliya Dr,Sulaymaan Maxamed Maxamuud,ayaa sheegay in xafiiskiisu uu gacanta ku hayo kiis ku saabsan musuqmaasuq ka bilowday wasaaradda caafimaadka kuna fiday wasaarado kale oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya .
Baarista kiiskaan oo socday muddo ayaa la soo gabagabeyay dhawaan waxaana uu xafiiska xeer ilaaliyha oo kaa shaanaya hanti dhowraha qaranka uu sheegay cadeeymo lagu hayo mas’uuliyiinta loo xiray falalka musuqa.

Xeer ilaaliyaha guud Dr,Sulaymaan Maxamed Maxamuud, oo BBC-da waraysi siiyay ayaa sheegay in xafiiskiisu uu musuqa iyo wax isdaba marinta la galayo dagaal adag.

“Marka hore waxaan rabaa in aan kuu sheego musuq-maasuqu xafiiskeygu wuxuu ka taaganyahay meel aad u adag la dagaalanka musuqmaasuqa iyo la dagaalanka argagixasadu isku meel ayay xafiiskeena ka taaganyihiin”ayuu yiri Dr Suleymaan Maxamed.

Mar wax laga waydiyay Mr Suleymaan in kiiska mas’uuliyiinta ka tirsan wasaaradda caafimaadka uu wax siyaasad ah lug ku leeyahay ayaa waxaa uu sheegay in uu xogta ugu badan ka hayo kiiskaa isla markaana aanu wax xiriir ah la laheyn arrimo siyaasadeed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay Dr Suleymaan in ay jiraan dad difaacaya dadka musuqa lagu hayo kuwaas oo ka dhigaya arrinta in dad gaar ah loo socdo ama dano gaar ah laga leeyahay.

Like it? Share it!

Leave A Response