Xidiga Kooxda Arsenal Ee Mesut Özil Oo Sheegay In Cristiano Ronaldo Uu Yahay Mid Ka Mid Ah Ciyaartoyda Ugu Waaweyn Kubada Cagta.

by admin | Monday, Sep 17, 2018 | 934 views

Xidiga kooxda Arsenal ee Mesut Özil ayaa u arka saaxiibkiis hore kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo inuu ka mid yahay ciyaartoyda ugu fiican taariikhda kubada cagta aduunka.

Labadan xidig ayaa waxay isaga soo garab ciyaareen horyaalka La Liga ee dalka Spain gaar ahaan kooxda Real Madrid xili ciyaareedkii 2011-12, laakiin Mesut Özil ayaa ka dhaqaaqay Santiago Bernabeu sanadii 2013, halka Cristiano Ronaldo uu isna ka dhaqaaqay suuqii dhawaa ee xagaaga, kadib markii ay ku kala biireen kooxaha Arsenal iyo Juventus sida ay u kala horeeyaan.

Cristiano Ronaldo ayaa ugu dambeyn soo gaba gabeeyay kulankii Sassuolo abaarta ka heesatay dhanka gooldhalinta horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga, kadib markii uu dhaliyay 2-dii gool ay guusha ku gaadhay Bianconeri, xili kulanka uu ku soo idlaaday 2-1.

Advertisement

Mesut Özil ayaa u sheegay website-ka rasmiga ah ee kooxda Arsenal: “Dadku had iyo goor waxay i weydiiyaan inaan ka garab ciyaaray Cristiano Ronaldo, wax walba ee aan dhihi karo ayaa ah, inaanan arkin shaqsi isaga la mid ah”.

Laacibka kooxda Arenal ayaa wuxuu hadalkiisa sii raacsaday hadalkiisa: “Wuxuu u shaqeeyaa si dhab ah, xaqiiqdii waa shaqsiga ugu horeeya ee cagta saara garoonka tababarka, hadana waa kan ugu dambeeya ee kasoo dhaqaaqa, waa xirfadle, mar walbana wuxuu doonayaa inuu guuleysto, xitaa kulamada tababarka”.

Advertisement

Mesut Özil ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay hadalkiisa: “Waxaa hubaal ah inaan daawan jiray waxa uu ku sameenayo tababarka, xitaa waxaa daawan jiray qaabka uu ku bada shuudayo, waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu waa weyn ee kubada cagta aduunka”.

Like it? Share it!

Leave A Response