Xildhibaan Mursal “Laftagareen xabsi ayuu ku jiraa ee halaga bixiyo oo Koonfur-galbeedna hala badbaadiyo”

by admin | Saturday, Sep 30, 2023 | 97 views
Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, xildhibaan Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Maxamed Laftagareen inuusan diyaar u ahayn inuu la dagaalamo Alshabaab.

Guddoomiye hore Mursal, wuxuu sheegay madaxweyne Lafta Gareen muddo hal sano oo loogu daray muddo xileedkiisa oo la rabay inuu la dagaalamo Alshabaab, in aanu hal talaabo horey u qaadin. Wuxuu sidoo kale sheegay inuu diiday inuu qeyb ka ahaado kacdoonka ka socda dalka ee Shabaab dalka looga xoraynayo.

Gudoomiyihii hore ee baarlamaanka wuxuu sheegay in Lafta Gareen uu jebiyay heshiiskii uu ku saxiixay magaaalada Baydhabo, wuxuuna sheegay inuusan maanta hal KM bannaanka uga bixi karin magaalada Baydhabo.

“Laftagareen xabsi ayuu ku jiraa ee halaga bixiyo oo Koonfur-galbeedna hala badbaadiyo”ayuu yiri gudoomiye Mursal.”
Mursal wuxuu tilmaamay isaga iyo musharraxiinta kale ee Koonfur Galbeed in ay isku diyaariyeen inay Baydhabo safar dhulka ah ku tagidoonaan, kaddib markii uu sheegay in Lafta Gareen uu xirtay garoonkii diyaaradaha ee Baydhabo.

Like it? Share it!

Leave A Response