Xildhibaan Shaaciyay Shanta qodob ee la isku fahmi waayay Shirka Garowe

by admin | Saturday, May 11, 2019 | 727 views

Xildhibaan Xasan Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa shaaciyay in guud ahaan Qodobaddii looga hadlaayay Shirkii ka socday Magaalada Garowe ay noqdeen kuwo aan xal laga gaarin oo lagu fashilmay in laga heshiiyo.

Xildhibaanka waxaa uu sheegay in Madaxda dowladda ee ku sugan Garowe sidda Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha aysan muujin tanaasul si loo gaaro isfaham buuxa oo labadda dhinac ah.

Xildhibaan Xasan Cabdi oo ka mid ah Xildhibaanada sidda dhow ula socda Shirka ayaa qoraalkaan ka qoray Qodobadda lagu heshii waayay.

Shirki Garowe ee ku dhowaad 10 cisho socday waxa laga wada hadlay:

1-Faragelinta Galmudug
Taas oo qaadatay 5 cisho , natiijo la,aana ku dhamaatay.

2-Xeerka Doorashooyinka ee ay xukumadda ansixisay oo aan waafaqsaneyn Dastuurka Dalka iyo heshiiskii baydhabo ee Dowladda iyo dowlad Goboledyada Jun 2018,
Taas waa la isku mari waayay.

3-kheyraadka dalka
Sharciga Batroolka oo Baarlamanka la geeyay iyadoo wax laga badaley Heshiski Dowladda fedaralka iyo dawlad goboleedyada ee ku saxiixedeen baydhabo Jun 2018, iyadana waa la isla meel dhigi waayay.

4_Deeqaha caalamiga
Deeqaha Beesha caalamka magaca Soomaaliya lagu keeno si cadaalad dalka loogu qeybin lana siyaasadeeyo, iyadana waa la isku mari waayay.

5-Dhameystirka Dastuurka
Dowladda ayaa wada dib u eegis dasturka iyadoo ay ka maqanyihiin xubnihii dawlad goboleedyada u matali laha guddiga madaxa banaan ee dib u eegista dastuurka ,xubnahas oo Dawlad Goboleedyada magacaabeen laakin in ay shaqa galan loo ogolaan,waa la isku afgaran waayay.

Like it? Share it!

Leave A Response