Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Ansixiyey Xeer muhiim ah

by admin | Wednesday, Feb 19, 2020 | 502 views

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulan weyniha Golaha Shacabka,waxana Shir Guddominaya Guddomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman.

AJendayaal dhowr ah ayaa Maanta looga hadlayaa kulanka,kuwaas oo ay ka mid yihiin Warbixinta Hindise-sharciyeed-yada kasoo noqday Aqalka Sare, sida Sharciga Doorashooyinka Qaranka Heer Federaal,S harciga Duulista Rayidka, Sharciga Jaan-gooynta Iyo Tayo-dhowrka Soomaliyeed,Sharciga Tirokoobka Qaranka
,Hindise Sharciyeedka Heerka Warbaahinta,Hindise Sharciyeedka Howlgabnimada Iyo Xaqsiinta Ciidamada,Qeybinta Hindisaha Dib-u-eegista Iyo Kaabista Sharciga Xisbiyada Siyaasadda Dalka.

Kulanka ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa ay ku ansixiyeen  Xeerka Duulista Rayidka 142 Mudane ayaa ogolaatay  2 Xildhibaan ayaa diiday ma kirin qof ka aamusay dib u eegistii uu Aqalka Sare soo meelmariyey.

Maamulka Hawada Sare ee Soomaaliya waxaa lagu hagi doonaa xeerkan marka Madaxweynaha Jamhuuriyadu saxiixo oo lagu soo saaro faafinta rasmiga ah.

Like it? Share it!

Leave A Response