Xildhibaannada Golaha Shacabka oo Maanta dood ka yeelanaya Sharci muhiim ah

by admin | Saturday, Mar 4, 2023 | 212 views

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in Maanta oo Sabti ah inay mid kamid ah kulamadooda caadiga ah ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaannada in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka, isla markaana Ajandayaasha Kulanka Maanta ay yihiin:

1. Ka doodista Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka La-dagaalanka Argagixisada

2. Qeybinta Warbixinda Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedyada kala ah
A) Dhowrista Xogta
B) Maareynta Deegaanka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa weli horyaalla Ajandayaal dhowr ah, kuwaas oo maalmaha soo socda ay ka doodi doonaan inta aan la xirin kal-fadhiga labaad ee Golaha Shacabka.

Like it? Share it!

Leave A Response