Ciidamada Dowladda oo Howlgal ku dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

by admin | Saturday, Mar 4, 2023 | 236 views

Ciidanka kumaandooska Danab, gaar ahaan urur 5-aad iyo ciidanka nabad sugida dawlad goboleedka jubbaland, ayaa howlgal ay ka sameeyeen deegaanka Turdho iyo deegaanada ku xeeran wabiga jinkiisa ee gobolka Jubbada hoose, waxay ku dileen Xubno ka Tirsan Alshabaab.

Hawlgalka ayaa lagu dilay 13 Xubnood oo  Alshabaab ah islamarkaana uu  ku jiro Xubin sare oo lagu magacaabo Aruuriyow Maxamed Cumar oo Magaciisa Afgarashada uu yahay Axmed Sahal, sida uu warbaahinta Ciidamada Qalabka sida u xaqiijiyey Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad Danab Taliye Carab dheeg Axmed.

Hawlgalka Ciidanka Danab iyo Ciidanka nabad sugida Dawlad goboleedka Jubland ay ka sameeyeen degaanka Turdho ee gobolka Jubada Hoose ayaa ku soo aadaya xilli degaano badan oo ka Tirsan gobolada dalka ay ka socdaan Hawlgallo ka dhan ah Alshabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response