Xilliga la qabanayo imtixaanka Dugsiyada Sare ee dalka oo la shaaciyay

by admin | Thursday, Mar 14, 2019 | 1029 views

Wasiirka Waxbarashada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre oo Shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Bisha May ee sanadkaan la qaban doono Imtixaanka Dugsiyada sare ee dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in Imtixaanka ay u fariisan doonaan 45-kun oo arday, kuwaas oo uu kula taliyey iney muujiyaan diyaar garow dhameystiran labada bilood ee soo socota.

Jaamacadaha Dalka ayuu fariin u diray Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Kuwaas oo uu u sheegay inaaney diiwaan galin arday aan soo galin imtixaanaadka ay qaadeyso Dowladda Soomaaliya.

Wasiir Cabdullaahi Goodax waxa uu kula dar daarmay waalidiinta iney qaataan kaalintooda oo ay ardayda kala shaqeeyaan shuruucda imtixaanaadka.

Ugu dambeyn Mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka codsaday Maamulada Gobolada Dalka in ay kala shaqeeyaan qabsoomidda imxitaanaadka, gaar ahaana dhanka xaqiijinta amniga.

Like it? Share it!

Leave A Response