XOG: Kheyre oo Diyaariyay Digreetadii uu xilka kaga qaadi lahaa Wasiir Khilaaf kala dhaxeeyo

by admin | Saturday, Oct 20, 2018 | 725 views

Warar hoose ayaa sheegaya in Xilka laga qaadayo Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Cawad.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa diyaariyay Digreetadii uu xilka kaga qaadi lahaa Wasiirka, waxaana kaliya u harsan in lagu dhawaaqo.

Wasiir Cawad ayaa laga soo gudbiyay Cabasho badan oo ay ka keeneen qaar ka mid ah Golaha Wasiiradda, sidoo kale waxay dhowr jeer isku dhaceen Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,

Kiisaska lagu heysto Wasiirka Arrimaha Dibada waxaa ka mid ah inuu kulamo aysan wax ka ogeyn Madaxda Dalka uu dhowr jeer la yeeshay Wakiilo ka socda Imaaraadka iyo sidoo kale isago inta badan kasoo horjeesta Go’aanada madaxda Dalka ay ka qaataan siyaasada arrimaha dibada,

Sheekadan ayaa si weyn looga hadal hayaa Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo Wasiir Cawad ay bateen isku dhacyada dhex mara isaga iyo Wasiiradda qaar.

Like it? Share it!

Leave A Response