Xukuumadda Abiy Ahmed & TPLF oo 2 sano kaddib raadinaya xal aan xabbad ahayn.

by admin | Saturday, Oct 22, 2022 | 250 views

Xukuumadda Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Itoobiya & mas’uuliyiinta Ismaamulka Tigray ayaa 24ka October 2022 oo ku beegan Isniinta todobaadkaan fadhi gaar ah ka leh sidii loosoo afjari lahaa dagaalka ka dhex qarxay 3dii November 2020.

Dagaalka Xukuumadda Abiy & TPLF waxa uu salkiisu yahay dib u dhigista Doorashada Dalkaas oo Xiligaas Xukuumaddu qiil ka dhigatay in aanay la codeyn Karin maadaama uu dunida saameyn taban ku hayay Covid-19.

Go’aankaas ma shaqeyn oo waxaa diiday Madaxda Ismaamulka Tigray oo qabsaday Doorasho ka madaxbannaan Dowladda Dhexe, ciidanka Federaalka oo qaadanaya amarka Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa duullaan ku qaaday ismaamulkaan dhaca Waqooyiga Itoobiya.

Dagaalka ayaa bilihii ugu horreeyay lagu jebiyay TPLF Balse markii ay garab ka heshay Dadka Deegaanka waxa ay dib isaga caabisay askarta Federaalka illaa ay qabsadeen Magaalooyin socodkoodu muhiim u ah Caasimadda Dalkaas ee Addis Ababa.

Xukuumadda Abiy Ahmed & Xoogagga Tigray ayaa u muuqda in ay ku daaleen dagaalka 2 sano jirsaday, waxa ay ajiibeen codsi ka yimid Midowga Afrika oo ah in ay ku kulansiiyaan Koofur Afrika si ay uga xaajoodaan xal aan xabbad ahayn.

Ururka Midowga Afrika oo dareemay culeyska Dagaalkaas ka dhashay maadaama Addis Ababa ay u tahay xarunta ugu weyn ee Ururkaan ayaa door-biday in uu miiska wada-xaajoodka isugu geeyo Xukuumadda iyo Ismaamulka Tigray.

Inkasta oo ay guuldareysteen dedaallo kala duwan oo dhexdhexaadin horay loo sameeyay ah balse siyaasiyiinta Itoobiya waxa ay filayaan in ugu yaraan ay isu soo dhawaan karaan labada dhinac iyada oo dhinac weliba uu iska fogeynayo in dusha laga saaro wixii dhacay.

24ka October 2022, maalintaan indhaha lagu hayo waxa ay u badan tahay in ay dhinacyadaan is faham hordhac ah gaaraan iyaga oo isticmaalaya qorshe siyaasadeed uu dhinac weliba isaga dhigayo in ay ka go’an tahay wadahadalkaan.

Like it? Share it!

Leave A Response