Afhayeen loo Magacaabey Booliska Soomaaliya

by admin | Wednesday, May 6, 2020 | 457 views

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa Afhayeenka Ciidanka Booliska u magacaabay Dhame Sadiiq Adan Cali (Duudishe) oo ah Sarkaal Dhalinyaro ah.

War-Saxaafadees kasoo baxay Taliyaha Booliska ayaa lagu sheegay in Sarkaalka ku soo biiray Ciidanka sanadkii 2007-dii. Isla markaana soo dhameystay leyli Sarkaal muddò dhan Saddex Sano dalka dibadiisa.

Afhayeenka Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa ku hadla luuqadaha English, Taliyaani iyo Carabi Marka laga reebo afka Hooyo ee Soomaaliga.

Sarkaalka ayaa sidoo kale ka soo Shaqeeyay guud ahaan fadhiyada Ciidanka, Soona qabtay xiriiro dowlado Ciidanka taageera, isaga oo soo qabtay shaqooyin kala duwan, hadana xubin firfircoon u’ah Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Like it? Share it!

Leave A Response