Al-Shabaab oo soo bandhigay hub iyo tuute ay leeyihiin ciidamada dowlada Soomaaliya{sawiro}

by admin | Wednesday, Aug 22, 2018 | 920 views

Saraakiil iyo ciidamo ka tirsan AlShabaab oo Fagaare ku yaal Degmada Jilib lagu arkay iyaga oo wata tuutihii ugu dambeeyay ee ciidamada dowlada Soomaaliya qeybta 14-October loo qaybiyay.

Waxaa xusid mudan 14-Bishii July, Rag hubaysan oo Afar gaaraya inay weerareen Koontaroolka Ciidanka Beerta Nabadda ay ku leeyihiin, iyaga oo xiran tuutaha Ciidanka 14-October, halkaasina lagu dilay.

Abuu Cabdalla oo ka mid ah Saraakiisha AlShabaab, ayaa ka mid ah xubnaha xiran tuutaha Ciidanka 14-ka October ee Sawiradooda la arkay.

Waxay kaloo Al Shabaab soo bandhigeen gaadiid leh astaamaha gawaarida milateriga ee dawladda Soomaaliya.

 

 

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response