Hay’ad u doodda xuquuqda aadanaha oo Kenya ka dalbatay dhameystirka darbiga Sohdinta Somaliya

by admin | Thursday, Aug 23, 2018 | 919 views

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha U doodda ee HAKI Africa ayaa waxaa ay dowladda Kenya ka dalbatay in si deg deg ah loo dhameystiro dhismaha Darbiga u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ee ay Dowladda Kenya billowday.

Agaasimaha Hay’adda HAKI Afrika, Xuseen Khaalid,ayaa ku dooday in dhameystirka dhismaha Darbiga uu waxbadan ka qaban karo hoos u dhigidda weerarrada Al-shabaab ee gudaha Dalka Kenya ka dhaca.

Xuseen waxaa uu sheegay in marka la dhameystiro dhismaha darbiga ay fududaan doonto in Ciidamada amaanka ay arkaan xubnaha AL-shabaab ee dhinaca Soomaaliya ka gudbaya islamarkaana weerarrada ka geysanaya dhinaca gudaha Dalka Kenya.

Waxaa kale oo uu xusay in sidoo kale dhameystirka darbiga ay waxbadan ka qaban karto xagjireynta iyo in Dadka Al-shabaab u qaabilsan qoridda dhallinyarada ay fursad u helaan arrintaas.

Xuseen waxaa uu sheegay in haddii dowladda dhexe ee Kenya aysan dhameystirin Darbigaas Mashruuca uu noqonayo mid fashilmay sababatana ay tahay in wali gudaha Kenya ay ku dhimanayaan dad Kenyaan ah oo ay AL-shabaab dilayaan.

Dowladda Kenya ayaa sanadkii 2015kii billowday dhismaha Darbi u dhaxeeya Sohdinta Soomaaliya iyo Kenya,kaas oo gaaraya 700km,hayeeshee dhowr jeer dhaqaale la’aan loo hakiyay.

Like it? Share it!

Leave A Response