Al-Shabaab oo weerar ka geystay degaan ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari

by admin | Sunday, May 16, 2021 | 331 views

Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda Kenya ku leeyihiin degaan hoostaga Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi ee dalkaasi Kenya.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal culus uu tuulada afcad oo u dhaxeysa deegaanada tarbaj iyo warguduud ee gobalka wajeer ku dhex-maray Ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab, kaas oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

War kasoo baxay Al-Shabaab oo lagu daabacay Baraha ay ku leeyihiin Internet-ka ayaa waxaa lagu sheegay inay weerarkaas ku dileen Afar kamid ah Ciidamada Kenya, sidoo kale ay kusoo qabsadeen saddex qori oo ah nooca AK47 ah.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ee Gobolka Wajeer weli wax faah faahin ah kama bixin weerarka ka dhacay degaan ka tirsan Gobolkaas, hayeeshee waxaa la sheegay in Ciidamada Kenya ay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka wadaan tuulada afcad ee Magalada Wajeer.

Dhowr jeer ayaa Al-Shabaab waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhigyo Ciidamada Booliska Kenya ku leeyihiin degaano ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari, iyaga oo sidoo kale gubay Xarumo ay leedahay Shirkadda Isgarsiinta Safaricom.

Like it? Share it!

Leave A Response