Wararkii ugu dambeeyay ciidamo gadood ka sameeyay magaalada Jowhar.

by admin | Sunday, May 16, 2021 | 277 views

Ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Harmacad ee la keenay magaalada Jowhar dhamaadkii sanadkii la soo dhaafay ayaa maanta sameeyay gadood iyagoo ka cabanaya joogitaanka caasimada Hirshabelle.

Ciidamada oo xirtay waddo muhiim ah ayaa waxa ay sheegeen in ballanqaadyo horee loogu sameeyay loogaga baxay isla markaana aysan dooneyn inay sii joogaan magaalada Jowhar.

“Waalidkeen iyo xaasaskeena waxa ay joogaan Muqdisho illaa 7 bilood ahna ma arag waxaan doonayaa in aan dib ula midoobo waalidkey iyo carruurteyda.”ayuu yiri mid ka mid ah ciidamada gadoodsan oo diiday muddo saacad ah inay gaadiidka maraan wadada ugu muhiimsan magaalada Jowhar.

Dadaalo ay sameeyeen mas’uuliyiinta gobolka Sh/dhexe iyo saraakiisha ciidamada Booliska ayaa ugu dambeyntii suurtogeliyay in ciidamada ay ku laabtaan saldhigoodii.

Like it? Share it!

Leave A Response