Dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan & Maamulka Hir-Shabeelle oo ka hadlay

by admin | Sunday, May 16, 2021 | 273 views

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxaa uu ka dhacay degaano hoostaga degmada Matabaan oo ka tirsan gobolka Hiiraan , waxaana ka hadlay Maamulka Hir-Shabeelle.

Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed) ayaa sheegay in dagaalkaas ay ku geeriyoodeen Saddex Ruux tiro kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana uu ugu baaqay labada maleeshiyaad ee dagaalamay inay colaada joojiyaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in muhiim ay tahay in maleeshiyaadka dagaalamay ay wada hadleen, isla markaana miiska wada-hadalka wax walba ku dhameeyaan si xal loo gaaro, waxaana uu si cad u sheegay in dagaal aan waxba soo kordhineyn.

Dagaalka ka dhacay degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay magaalada Beledweyne uu ka socday shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaalamay duleedka Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response