Askar ku dhimatay qarax Miino oo ka dhacay duleedka Muqdisho.

by admin | Thursday, Nov 19, 2020 | 399 views

Wararka ka imaanaya deegaanka Lafoole ee duleedka magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax miino oo sabay dhimashada hal askari oo ka tirsan ciidanka amaanka dowladda Faderaalka Soomaaliya.

Qaraxa miino ayaa ciidanka lagula eegtay suuq ka agdhawaa bar-control ciidanka amaanka Soomaaliya ay gawaarida soo galaysa magaaladda Muqdisho ugu qaadaan lacago waxaa ku dhimatay inta la xaqiijiyay hal askari dhaawaca mid kale.

Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa amaanka ayaa goobta gaaray waxa ayna fureen raas xoogan oo keentay in ay kala cararaan dadkii ku sugnaa suuqaasi.

Goobjooge la hadlay Mustaqbal ayaa u sheegay in hada xaaladu tahay mid dagan isla markaana askari dhintay iyo kaa dhawacmay loo soo qaaday magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Majirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaan lagu qaaday ciidanka amaanka dowladda soomaaliya balse weeraradda noocan ah waxaa looga bartay Xoogaga Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response