Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamo katirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ku leeyihiin Xaafada Baddacas ee Galbeedka Magaalada jowhar. Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda & Al-Shabaab ayaa ka dhacay Goobta uu weerarka ka dhacay ee   Magaalada Jowhar, kaas oo warar aan helnay ay sheegayaan in hal Askari uu ku dhintay...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Mohamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ee Magaalada Kismaayo ku marti qaaday Guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Jubbaland ee dhawaan soo gaba gabeeyay doorashooyinka labada deegaan doorasho ee Jubbaland. Madaxweynaha ayaa xubnahan uga mahad celiyay shaqadii adkayd ee ay soo qabteen taas oo muhiim u ahayd...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in qof walba uu ka fikiraayo sababta Madaxda ugu sareeysa dalka ay u xalin la’yihiin caqabadaha jira, balse taasi ay keentay dano Shaqasiyadeed oo baabi’iyay dalka Soomaaliya. Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in waxa dalka ka dhacaya iyo isku dayada dib u dhaca doorashooyinka dadka...

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad iyo labadiisa kuxigeen. Guddiga doorashooyinka Guddoonka Aqalka Sare ayaa wada qaban qaabadii u dambeeysay ee doorashada Maanta, iyada oo dhamaan teendhada Afisiyooni lagu diyaariyay Agabka doorashada. Ciidamada Ammaanka...

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka dhanka awooda ah ee u dhaxeeya Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo kuxigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash). Kusimaha Madaxeeynaha Puntland Axmed Karaash ayaa shalay soo saaray wareegtooyin xilka qaadis & Magacaabis ah, hayeeshee Madaxweynaha Puntland oo kusugan Muqdisho ayaa waxba kama jiraan kutilmaamay...

Rasaasta Muqdisho ka dhaceysa saacadihii u danbeeyay waxaa barbar socda dabeylo siyaasadeed oo aad ugu xoogan Villa Somalia, Hoteelada iyo goobaha lagu karkariyo arimaha doorashada. Madaxweynaha muddo xileedku ka dhamaaday ee inuu fowdo ku wado doorashada lagu eedeeyo, Mr Farmaajo ayaa waagi u baryay isagoo waayay garab culus. Kutladdii siyaasadda ee NISA ayaa macsalaameysay. Sadexdii...

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa ka dhacay Isgoyska Banaadir agagaarka Isbitaalka Kalkaal ee Magaalada Muqdisho waxaa lagula eegtay Gaari ay saarnayeen Ciidamo katirsan Millateriga Soomaaliya, waxaana qaraxaas ka dhashay khasaaro dhimasho & haawac ah. Wararka la helay ayaa sheegaya in Gaariga qaraxa lala beegsaday uu saarnaa Sarkaal katirsan Ciidamada...

Wasiirka Wasaaradda Batroolka ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa lagu wadaa in Maanta uu hortago Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka oo dhawaan u yeeray. Dhawaan qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa loogu yeeray Wasiirka si wax looga weeydiiyo heshiiska Shidaal baarista ee uu la galay Shirkadda Coastline Exploration...

Madaxweynaha  Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay kulan la qaatay qaar kamid ah Xildhibaanada labada aqal ee BJFS ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle. Madaxweynaha ayaa Mudanayaasha Aqalka Sare kala hadlay inay dadaal badan ku bixiyaan sidii uu Senator Cali Shacbaan Ibraahim ugu guuleysan lahaa doorashada tartanka Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Aqalka...

Howgalka Ciidamada ATMIS ee loo aqoon jiray AMISOM ayaa shaaciyay in bandow lagu soo rogayo Guud ahaan xeradda Xalane ee Magaalada Muqdisho inta u dhaxeysa 26 ilaa 28 bishan. Qoraal kasoo baxay howlgalka ATMIS ayay ku sheegeen in la tashi ay la sameeyeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble kadib ay go’aankaan soo saareen. Sidoo kale waxaa...