Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Munaasabad lagu qabtay Xerrada Bali-doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose  ayaa waxaa tababar laguu soo xiray  cutubto ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee kumaandooska  Danab, Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guutto Odawaa Yuusuf Ragge ayaa ka qeyb-galay munaasabada tababarka loogu soo xiray ciidamadan. Tababarkan oo gacan ay ka geysatay...

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo cadaadis culus ku haayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoo tilmaamay in uu ka doonayo in Rooble ku dhawaaqo in deegaanka Jubbaland uu cadaw heysto. Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal uu soo dhigey bartiisa...

Ciidamada xoogga dalka gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27-aad ayaa ku guuleystay inay kala qaadaan laba maleeshiyo beeleed oo  dhawaaan dirir ay ku dhax martay deegaan hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan. Taliyaha Guutada 5-aad qeyb 27-aad Kor Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakay) oo hoggaaminaayay dadaalkii nabadeed ayaa sheegay in talaabo adag CXD aay ka qaadi doonaan...

Xildhibaannada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Maanta kulan aan caadi aheyn waxaa ay ku yeesheen Xaruntooda ee Magaalada Garoowe, waxaana la sheegay in xasaanada kala laabteen 8 Xildhibaan. Kulanka Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa horyimid Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland, isaga oo xildhibaannada ka hor akhriyay eedeymo ka dhan ah 8 Xildhibaano, kuwaas...

Qaban qaabada soo dhaweynta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u-heshiisiinta Xukumadda Federaalka Soomaaliya janeraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa saakay ka socota magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Wafiga ayaa goordhaw la filayaa inay ka amba baxaan Garoonka diyaaradaha Aadan-Cade ee Magaalada Muqdisho Magaalada Baladweyne waxaa mudooyinkaan...

Kooxo Burcad ah ayaa waxaa la sheegay in gudaha dalka Mozambique oo deris la’ah wadanka Koonfur Afrika ay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac ugu geysteen Ganacsato Soomaali ah. Weerarkaan ayaa waxaa uu ka dhacay Magaala madaxda Gobolka NIASSA ee dalka Mozambique, waxaana Burcadda oo iska dhigayay Ganacsato ay tageen Dukaamo ay Soomaali leeyihiin, iyaga oo isku dayay...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo maalmahan Muqdishu u jooga arrimo dhowr ah ayaa la kulmay Safiirka Dalka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Ben Fender. Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa iska xog wareystay arrimo ay ka midyihiin Doorashada dalka iyo howlaha hortabinta leh ay wado Galmudugta cusub ee uu Madaxweynaha ka yahay...

Magaalada Garoowe waxaa ka socda dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo iska horjeeda, kuwaas oo ay wadaan xildhibaanada baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland, kuwaas oo qaarkood taageersan guddoomiyaha golaha wakiilada maamulkaasi, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo kuwa kale oo ka soo horjeeda gudoomiyaha. Xildhibaanada labada garab ayaa sidoo kale saacadihii u dambeeyey kulamo...

Ninka oo lagu Magacaabo Cabsiiye Cadaan ayaa waxaa uu Hooyadiis uu ku dilay Hoygooda oo ku yaalla meel u dhow Isbitaalka Keysaneey ee degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir. Dilka ayaa Ninka Hooyadiis waxaa uu u adeegsaday tooreey, waxaana sababaha dilka keenay  lagu sheegay kadib markii Nin uu Hooyadiis ka dalbaday in ay u iibiso Boos dhaxal ah balse ay ka diiday. Mid...

Wararka naga soo gaaraya Magalada Qardho  ee Xarunta Gobolka Karkaar ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta ay xiran yihiin inta badan goobaha ganacsiga ee Magaaladaas. Arrintaan ayaa waxaa loo aaneynayaa sicirka bararka dollarka oo maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa Magaalada, waxaana meelaha xiran kamid ah, Goobaha lagu iibiyo Qudaarta, Hilibka & Ganacsiyada kale ee...