Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site


admin

This user hasn't shared any profile information

Iran ayaa “si toos ah” ula xiriirtay dhaxal-sugaha Abu Dhabi Mohammed bin Zayed toddobaadkii tegay, uguna hanjabtay weerar culus oo jawaab u ah weerar kasta oo Mareykanka ay ku qaadaan Tehran, waxaa sidaas weriyey Middle East Eye. Iiraaniyiinta ayaa heegan culus ku jira kadib dilkii Jimcihii loo gaystay sanyisyahankii ugu sarreeyey nukliyeerka dalkaas Mohsen Fakhrizadeh. Inkasta...

In ka badan 57,000 oo carruur ah oo ku nool Soomaaliya ayaa heli doona waxbarashada aasaasiga ah, Dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday, ka dib markii ay heshiis wada gaareen Sanduuqa hormarinta Horumarinta Qatar iyo Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya. Heshiiska waxaa wada saxiixay Khalifa bin Jassim Al-Kuwari, agaasimaha guud ee QFFD, iyo Abdullahi Abuukar Haji, wasiirka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa 24-kii October 2020 xili Kalsoonida la siiyay Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble Xildhibaannada kahor sheegay in uusan jirin waqti ay fasax ku qaataan si loosoo gaba-gabeeyo kalfadhiga 7-aad, muddo kadibna la furo kalfadhigooda 8-aad. Afhayeenka Golaha Shacabka ayaa sheegay in 26-ka...

Axmed Daahir Macalin Guddoomiyaha Deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay deegaankaas uu sababay dhimasho, dhaawac & Gaadiid ay qaateen Al-Shabaab. Waxa uu qiray Gaadiidka ay soo bandhigtay Al-Shabaab in ay ku qabsatay intii uu socday Dagaalka ka dhacay Deegaankaas, waxaana uu tilmaamay in meel ka baxsan Magaalada...

Wararka laga helayo Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta halkaasi uu ka dhacay Shil diyaaradeed, kaas oo faah faahino kala duwan ay kasoo baxayaan. Shilka ayaa yimid, kadib markii Diyaarada AirJabuuti ee laga leeyahay Jamhuuriyada Jabuuti ay ku dhacday Garoonka,waxaana la xaqiijiyay in shilkaasi uusan geysan wax qasaaro ah. Wararka...

Wararka naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegaya in xalay ciidamada cusub la geeyey xarunta baarlamaanka ee maamulka Puntland. Ciidamadan oo ka tirsan kuwa Booliiska ee maamulkaasi ayaa amniga xarunta waxa ay kala wareegeen ciidamadii horey u joogay halkaasi, kadib codsi ka yimid xildhibaanada. Qaar ka mid ah xubnaha golaha wakiilada, gaar ahaan kuwa ka soo horjeeda guddoomiyaha...

Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Yusuf Axmed Hagar dabageed ayaa kulan kula qaatay Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle & kuxigeenkiisa 1aad. Mas’uuliyiintaan ayaa ka wada hadlay dardargalinta Horumarinta Dowlad Gobaleedka Hirshabelle iyo in si huufan loogu Shaqeeyo Shacabka ku nool degaannada  Dowlad...

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dooneyso in gobolka Gedo ay ka qabatao doorashooyin ay horboodayaan xubno ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in Guddiyada doorashoyinka ee la Magacaabay ay yihiin kuwo ka tirsan NISA & Hay’adaha dowladda, isla markaana la doonayo in...

La taliyihii gaarka ahaa ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee coronavirus, Scott Atlas, ayaa is casilay. Dr Atlas oo lagu muransanaa ayaa isaga oo u mahad celinaya Mr Trump, wuxuu sheegay inuu “mar walba ku tiirsanaa sayniska iyo caddeymihii ugu dambeeyay isagoo aan eegeynin siyaasadda amaba aysan jirin wax fara gelin ah”. Afartii bilood ee uu xilka hayay,...

Sida uu shaaciyay Bangiga Qaranka ee Itoobiya waxaa maanta guud ahaan la joojiyay isticmaalka lacagtii hore ee Itoobya, iyadoo aan waxba lagu kala iibsan doonin laga bilaabo maanta oo Talaado ah. Bangiga ayaa sidoo kale sheegay inay maalmo kooban sii socon doonto badalaada lacagtii hore, cidda jeebkeedu kusii jirtana ay ka badalan karto bangiga muddo 2 toddobaad gudahooda. Degaanka...