Baarlamaanka Puntland oo dib u dhigay wax ka beddelka qodobada dastuurka ee uu muranku ka taagan yahay

by admin | Friday, Jul 21, 2023 | 152 views

Baarlamaanka Puntland ayaa dib u dhigay wax ka beddelka qodobo kamid ah dastuurka, si xal loogu helo khilaafka siyaasadeed ee ka jira doorashada.

Khamiistii oo ku ekayd muddadii bisha ahayd ee ay socotay wacyi galinta wax ka beddelka qodobo kamid ah dastuurka, ayuu baarlamaanka ajendihiisa ka saaray meel marinta qodobada laga beddelayo dastuurka.

Golaha baarlamaanka dhexdiisa, ayaa si weyn isugu khilaafsan in dastuurka wax laga beddelo, iyagoo sheegay inay taasi horseedayso khilaafka iyo burbur.

Qaar kamid ah isimada Puntland ee Garowe ku sugan ayaa madaxweyne Deni iyo guddoomiyaha baarlamaanka kala hadlay in aanay wax tallaabo ah qaadin, inta ay xal u raadinayaan khilaafka ka taagan doorashada.

Ciidamada kasoo horjeeda wax ka beddelka dastuurka ayaa todobaadkan sheegay inay dagaal ka xigaan haddii uu baarlamaanku isku dayo in dastuurka wax laga beddelo.

Xildhibaanada taageersan in dastuurka wax laga beddelo, ayaa soo jeediyay in si kumeel gaar ah shaqooyinka baarlamaanka loo wareejiyo maagalada Qardho, iyagoo walaac ka muujiyay xaaladda amni ee Garowe.

Like it? Share it!

Leave A Response