Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya oo geeriyooday

by admin | Friday, Jul 21, 2023 | 86 views

Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabi jiray Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jubba ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Marxuum Cabdiraxmaan Jubba ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay isbitaalka weyn ee Aga khan ee Nairobi, waxaana la xaqiijiyay in xanuunkii haayay uu ugu danbeyn xalay ugu geeriyooday Xildhibaanka.

Geerida Xildhibaan Cabdiraxmaan Jubba ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah eheladiisa iyo Ergeyga Madaxweynaha u qaabilsan arrimaha wada-hadallada dowladda Soomaaliya iyo Somaliland Cabdikariin Xuseen Guuleed oo tacsi u diray qoyska iyo eheladan marxuumka.

“Xildhibaan Jubba oo intii mudooyinkaan ahba xanuunsana, waxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo aad u firfircoon, isku kalsoon, waxuu rabo iyo meeshu u jeedana yaqaana. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii uu ka baxay iyo dhammaan asxaabtiisa dhamaantii” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed.

Madaxda dowladda Federaalka ayaan weli ka tacsiyeeyn geerida ku timid Cabdiraxmaan Maxamed Jubba oo ka tirsanaa Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Gobolada Waqooyi.

Like it? Share it!

Leave A Response