Buundada deegaanka Ceel-gaal oo Xalay Robab Xoogan ay Goyeen

by admin | Monday, May 13, 2019 | 759 views

Wararka laga helayo degaanka ceelgaal ee Magalada Baladweyne ayaa waxaa ay sheegayaan inay go’day Buundada deegaanka Ceel-gaal oo ka mid ah deegaanada hoostaga Magalada Baladweyne.

Buundadaas ayaa muhiim u aheyd isku-socodka dadka iyo gaadiidka isaga kala goosha gobollada Koonfureed iyo Waqooyiga Soomaaliya,waxaana Go’ida buundadaas xaqiijiyey dadka deegaanka.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa la sheegay in Roobka Guga oo daadad wata uu ka da’ay deegaanada Waqooyi Bari ee Gobolka Hiiraan,daadadkaas oo keenay inay Go’do Buundada deegaanka Ceel-Gaal.

Qof ka mid ah dadka ku nool tuulada Ceel-Gaal ayaa Warbaahinta u sheegay in gebi ahaanba Buundada ay burburtay,isla markaana aan la aqoonsan karin halkii ay ku taallay,waxana uu hadalkiisa intaasi ku daray in aysan jirin cid wax ku noqotay.

Dadka ku nool tuulada Ceel-Gaal ee Gobolka Hiiraan ayaa qaarkood waxa ay bilaabeen inay barakacaan,iyaga oo ka cabsiqaba in daadadka kasoo rogmaday Buundada inay waxyeelo gaarsiiyaan.

Waxaa gebi ahaanba Go’ay xilligaan isku-socodka dadka iyo Gaadiidka deegaano badan oo ka tirsan gobollada Koonfureed iyo Waqooyiga Soomaaliya oo gaadiidka ka dhex Shaqeeya ay marin u aheyd Buundadaas.

Like it? Share it!

Leave A Response