C/raxmaan C/Shakuur oo sheegay inay Guul dareysatay Dowladda Madaxweyne Farmaajo

by admin | Friday, Sep 18, 2020 | 533 views

Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyaha ka yahay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa cadeeyay mowqifkooda ku aadan heshiiska Doorashooyinka ee lagu gaaray Villa Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Xisbiga ayaa waxaa lagu sheegay in Heshiiska aan la cayimin xilliga ay doorashadu billaabaneyso, isla markaana a Xisbiga ay dalbanayaan in la caddeeyo taariikhda ay doorashadu billaabaneyso.

Sidoo kale Xisbiga ayaa sheegay in dalka uu weli taagan yahay meeshii uu joogay Afar sano ka hor, isla markaana ay guul dareysatay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Like it? Share it!

Leave A Response