Cali Jeyte oo si cad u diiday xilka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha Hirshabeelle

by admin | Sunday, Jun 18, 2023 | 154 views

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa si kulul uga soo horjeestay xilka qaadis uu ku sameeyay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Cali Jeyte oo goordhaw shir jaraa’id ku qabtay Baledweyne ayaa si cad qaadacay xilka qaadista lagu sameeyay, isagoona sheegay in maanta kadib aysan gobolka Hiiraan ka jiri doonin wax la yiraahdo Hirshabeelle waa sida uu hadalka u dhige.

“laga bilaabo maanta gobolka Hiiraan waxa uu isaga baxay maamulka Hirshabeelle, waxaan filaya Hirshabeelle iney raaci doonto biya baxada ina haysa, waxaan cadeyna in maanta kadib aan qaadanay oo aan dhameystreyno dhismaha maamulka Hiiraan state oo an isla garanay waxgaradka, duubabka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada” ayuu yiri Cali Jeyte.

Wuxuu sidoo kale sheegay Cali Jeyte Cismaan in laga bilaabo maanta in cirka iyo dhulka ka xiran tahay qof walba oo sheegta magaca Hirshabeelle oo aysan imaan karin guud ahaan deegaanada gobolka Hiiraan.

“Waxaan sheegaya in maanta kadib qof Hirshabeelle ah uusan Hiiraan imaan karin dhulka waan xireyna cirkana sidoo kale, diyaaradii isku dayda iney amarkan ka hor timaad waxan cadeynaya inaan dhulka kusoo ridi doono” ayuu yiri Cal Jeyte cismaan.

Si kastaba ha ahaatee lama oga talaabada xigta ee uu qaadi doona Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, taaso ku aadan diidmada ka timid guddoomiyihii uu xilka ka qaaday Cali Jeyte Cismaan oo si rasmi ah u shaaciyay dhismaha maamul in badan reer Hiiraan ku taamayeen oo magaciisu yahay Hiiraan State.

Like it? Share it!

Leave A Response