Madaxweyne Biixi: Puntland waxay keentay cilmi adduunka ku cusub

by admin | Sunday, Jun 18, 2023 | 210 views

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Puntland ku eedeeyay in ay doonayso in ay samayso dal ku dhisan hayb qabiil oo aan Soomaaliya iyo Somaliland midna ahayn.

Biixi ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Dani uu doonayo in uu dhibaato Puntland ka jirta ku xaliyo dagaalka Laascaanood.

“Ra’ayiga qaladka ahi socon maayo hadii aad ku xalinayso mushkilad gudahaaga ka jirta Sool ayaan ku duulaya, oo gudahaaga baalaayo ka taagantahay, oo aad isleedahay ku xali Somaliland ayaan ku duulaya, khasaare mooye guul kala kulmimayside ogow” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in Puntland ay doonayso in ay samayso dal cusub oo aan Soomaaliya iyo Somaliland mid toona, ahayn, oo hayb qabiil ku dhisan taasi oo uu ku tilmaamay mid aan suuragal ahayn.

“Huwanta laguu sheegaya waa qayb Al shabaab ah iyo Puntland oo Soomaaliya kamid ah, oo cilmi cusub oo adduunka ku cusub keentay, oo leh si qabiila oo hayba, ayaanu u samaynaynaa dal dhexe oo aan Soomaaliya-na ahayn Somaliland-na ahayn, taasi mid suurogalaysa maaha” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in anay suuragal ahayn in xuduudaha Somaliland oo kali ah la badalo, hadaba garaadada SSC ayaa iyaguna dhankooda doonayo in gobolada SSC ay Somaliland ka baxdo oo Muqdisho laga xukumo hada kadib, taasi oo sal u ah xiisada taagan.

Like it? Share it!

Leave A Response