Cali Yare oo laba mid ka dalbaday Farmaajo kadib markii laga saaray kooxdiisa

by admin | Monday, Jun 19, 2023 | 206 views

Aniga oo ka jawaab celinaya warqaddii ku taariikheysneeyd 17 Juun, waxaan u caddeeynayaa bulshada Soomaaliyeed, xisbiga Nabad iyo Nolol, Jamaahiirta, hey’adaha garsoorka dalka, guddiyada doorashooyinka iyo diiwaangelinta iyo cidkasta oo ay khuseyn karto oo uu soo gaaray dhawaaqaas, in aanay jirin go’aan aan si iskeey ah u gaaray oo aan la wadaagay hoggaaniyaheenna MD Maxamed C/llahi Farmaajo, kuna aaddan in aan xisbiga ka tagayo.

Fajac ayuu igu noqday markaan arkay hadalka la sheegay in laga soo xigtay hoggaamiyaheenna oo tilmaamaya in aan anigu sidaas ka codsaday, waxaana aniga oo ixtiraam iyo qaddarin u haya Hogaamiyaha usoojeedinayaa, inuu bulshada Soomaaliyeed iyo Jamaahiirtaba u caddeeyo labada arrimood ee soo socota middood, maadaama Abdirashid warkiisa soo xigtay aan ku ogeyn afhayeen Madaxweyne hore balse aanu aheyn Afhayeenka magaca xisbiga ku hadla

B- Haddii run tahay in arrinta hoggaamiyaha laga soo xigtay waxaan ka codsanayaa inuu bulshadda caddeynta jirintaankeeda iyo goorta aan ka tegid N&N dalbaday, halka aan uga dalbaday iyo habka aan ku dalbaday, [qoraal, maqal, muuqaal iwm] ama

T- in uu bulshada u caddeeyo in laga been-abuurtay ee aanu waxba kala socon warqadda la sheegay in uu soo saaray.

  1. Taariikhda waa la maqlay qof is casilay iyo qof la casilay labadaba, lamase maqal qofaan iscasilin oo nool oo waliba qof jawaabta u sahlantahay oo lagu nabayo inuu iscasilay (waa haddii aad qortaye)

Arrinka lagu sheegay inaan xisbi kale aadayo waxaan ka oranayaa, Ma jirto xisbi kale oo aan go’aansaday in aan ku biiro waxaanan ahay oday aan dhaqan u lahayn cosobsiga, Soomaaliduna aanay guurguuritaanka ku aqoon.

Mabda’ayga, dhaqankeyga, qofnimadeyda iyo qadiyadda aan u taaganahay iyo loyal-nimadeyda ayaana taas ii diideysa.

Sannadkii 2010 ilaa maanta, waxaan xooggeeyga iyo xeeladeyda iskugu geeyay sidii aan uga mirodhallin lahaa siyaasaddii iyo afkaartii TAYO/N&N ee uu Farmajo nagu horkacayay walina waxba iskama badalin mowqifkeygii.

Ku dhaganaanta mowqifkeyga awgeed, waxaan ku soo mutay sooyaal nololeed oo xanuun badan, sida, halgan dheer oo halistiisa lahaa, guuldarrooyin tiro-dhaaf ah,, xabsi dheer, hagarjuun (harassment) iyo xorriyad la’aan, iyo arrimo kale dhexdeenna ahaa haddana aan halkan munaasab ku aheyn.

Ka gungaaridda yoolkaas intii aan ku gudajiray, waxay koox kasta oo isku dayday ay ku guuldarreystay isku-day walba oo qof noole lagu leexin karay in aragtideeyda la iiga leexiyo, sida, dan gaar ah, mid reernimo, hanti adduun, mansab siyaasadeed, xorriyad-kaqaadis, cabsi gelin iyo cagajugleeyn iwm, taas oo aan bulshada dhexdeeda uga helay xurmo iyo xasaanad ii gaar ah.

Waxaan taageerayaasha Nabad iyo Nolol ka raalli-gelinayaa qalbi-jabinta ay la kulmeen oo ay maleegeen qaar walaalaheen ah oo aan aragti ka heysan, dhibka aad nala soo marteen iyo himilooyinka aad filan karteen.

Walaalayaal arrinkaas waan idinka ka raalli-gelinayaa cudurdaarna idinka siinayaa aniga oo afka aasaasayaasha ku hadlaya – mana aheyn mid aad naga mudneeydeen.

Waxaanan idinkula dardaarmayaa inaad sii xoojisaan taageeradiinnii iyo midnimada dhexdiinna ah iyo udhago-nuglaanta hoggaamiyaheenna.

Saaxiibadeeyda kale ee Nabad iyo Nolol waxaan leeyahay: Saaxiibayaal, waxa ay ummaddu naga sugeyso waa himilo ka miisaan culus waxa aad ku mashquulsan tihiin, haddii aan shalay dhaqankiinna gurracan awgii ku waynay labeentii bulshada iyo siyaasiyiintii saameeynta lahaa ee Soomaaliyeed, mar kale sabab ha u noqonina inaan wayno taageeradii shacabweynaha Soomaaliyeed (shanta Soomaaliyeed) oo ah awoodda aan ku tiirsannahay koox ahaan- hana suurtagalinnina in hoggaamiyaheenna noqdo mid siyaasiyiintii iyo shacabka labadaba go’doon ka ah oo cimrigiisa martinnimo carbeed iyo mugdi afkaareed ku idleeysta.

Walaalkeen Farmaajo aan ugu miisno oo waqtigii uu olole kale ku sameeysan lahaa yaynaan kala adkaasho gudaheenna ah uga lumin markalana yaynaan sabab loo noqon guuldarradiisa laga maarmi karonoo fadlan kala miira cunfiga siyaassiga ah iyo cartanka kala cad-goosashada ku qotama ee dhaqanka idiin noqday.

Haddii ay nasteexaddaas idinla qurxoonaato oo aad takfiirninada siyaasadeed ka soo laabataan, walaalaheey shalay naftu naga dhaxeysay ayaad sidii hore u tihiin, haddi ay nasteexaydeeydu idin idinla qurxoonaan weyso, xasuusnaada in RUNTU LAMA HURAAN NOQON DOONTO oo ay N&N asal iyo farac kala tahay – asalkana ay u sugnaatay awoodda milkiyadda.

Ugu danbeyn Jamaahiirta; walaalayaal waan helay farriimihiinii tiro-beelka ahaa ee ay qaarkood qalbi-taabadka lahaayeen, waxaanan la ashqaraaray xurmadda aad ii heysaan oo xitaa kiinna iga fikir duwan uu ii muujinayo xurmada iyo qadarinta isaga/iyada oo taariikhdeyda ka xishoonaya iyo sida aad xisbigiinna u difaacateen, waana mid u dhiganta tan aan qabigeyga idiinkugu hayo.

Runtii ma garan karo si aan idinkugu mahadnaqo, waxaanse taas baddelkeeda idinka ballan qaadayaa inaan sii labo jibbaaro meelmarinta himilooyinka Nabad iyo Nolol ee na mideeysay, oo aanan idiin qarin fashilin danbe oo lagu sameeynayo hoggaamiyaheenna suuban.

Hoggaamiyaheenna isaga halkan waxba ka oran maayo, marbaan is iri armaad tiraa: – waa hadday xaashidu run noqotee – Madaxweyne, saaxiib, war Maxamed, soowtii aan 13 Sano ka hor wacad ku wada galnay inaan wadaniyadda (Patriotism) ka wada shaqeeyno oo aan midkeenna aannu reernimo qof kale hiil ugu noqon, saaxiiboow maxay tahay waxa aadan u diirin intii aan saaxiibadeenna kale ee ashraafta u badnaa oo ay nabiga CS is xigeen aan uleeynayay, oo hadda kulmiyay karka iyo kuleeylka ku gaaray markii aan saaxiibkeen Kulane xanjafiyay iyo xaanshida degdegga ah ee la leeyahay waxaa soo saaray saaxiibkaagii aad ku ballanteen wadaniyadda? Walba maxaadan ragga si siman ugu wada hiillin oo aad u kala laxa-jecleeysatay hadiiba aad go’aansatay inaadba saaxiib ila mid ah la kala dhimato? laakiin hadda, halkaan kaftankaas kama furna ee meel ka asturan iyo munaasabad kale oo ku habboon ayaan la eegan doonaa.

Runtii waan karhayaa inaan saxaafadda kaaga jawaabo qiimaha aan kugu ogyahay iyo inaad madax ii tahay, xushmadda aan kuu hayo darteed, laakiin lama huraan ayay ila noqotay, maadaama adiga oo ila hadli kara aad saxaafadda farriintaada ii soo marisay.

W/Q: Cali Cabdi Wardheere ( Cali Yare)

Like it? Share it!

Leave A Response