Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland  Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa kulan kula qaatay Muqdisho Safiir kuxigeenka Dowladda Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ahna ku simaha Safiirka Tim Trenkle. Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaalada guud ee dalka gaar ahaan arimaha amniga, Siyaasada iyo go’aanka madasha wadatashiga ee awooda dib loogu celinayo...

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Madasha Xisbiga Isbedelka Dimuqraadiyadeed ee dalka Uganda Harold Kaija ayaa sheegay mar uu Warbaahinta kula hadlay Xarunta Dhexe ee Xisbiga FDC ku leeyihiin Caasimadda dalkaasi ee Kampala ayaa sheegay in dowladda looga baahan yahay inay Ciidamadeeda kasoo saarto Soomaaliya. Waxa uu sheegay inay Uganda noqotay Qalab aad muhiim ugu ah Nabad-Ilaalinta...

Guddiga Doorashooyinka Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in kaar qaybinta dadkii ka qaybqaatay diiwaangalinta doorashadu uu bilaabmi doonto Maanta oo taariikhdu tahay 31 bishan May. Koomiishanka Doorashooyinka ayaa munaasibad lagu qabtay magaalada Hargaysa ku shaaciyay bilowga qaybinta kaarka codbixinta, iyado shaqaalihii iyo gaadiidkii qaybinayay kaararka loo kala...

Isku dhacyo xooggan ayaa laga maqlayay caasimadda Suudaan goor dambe oo Talaadii aheyd, sida ay sheegeen dadka deegaanka, ka dib markii kooxaha millatari ee dagaallamayay in ka badan lix toddobaad ay ku heshiiyeen in la kordhiyo xabbad-joojinta looga golleeyahay in gargaarka loo oggolaado dadka rayidka ah. Ciidanka iyo Xoogaga Taageerada Degdega ah ee (RSF) ayaa ku heshiiyey...

Saddex qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen Dab ka kacay Isbitaal ku yaalla Koonfurta Caasimadda dalka Austria ee Vienna. Afhayeenad u hadashay Hay’adda Caafimaadka Gobalka ayaa sheegtay inuu dabkaasi Saqdii Dhexe ee xalay ka kacay Isbitaal ku yaalla Deegaanka Modling oo 14 KM u jirta Caasimadda dalkaasi ee Vienna. Maamulayaasha waxay sheegeen inay 170 Gaadiidka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Baraawe ee gobolka Shabeelle hoose iyadoo halkaas ku soo dhoweeyay madaxweynaha dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen). Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha Koofur galbeed  ayaa Kulamo la qaadanaya Maamulka, saraakiisha ciidanka iyo Bulshada Reer Baraawe. Wararka...

Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa ku dhawaaqday in ay Hawada sare u direyso Dayax-Gacmeed safarkiisa qaadan doono muddo dhan 7-sano si uu usoo sahmiyo walxaha ku gedaaman bah-cadceedeedda (Solar System) sida hadalka loo dhigay. Saadaasha xawaaraha Dayax-gacmeedka Imaaraatka Carabta ee Hawada sare loo dirayo waa 33,000 KM saacaddii in uu jaro, waxaana lala socon...

Waxaa lagu wadaa in Maanta Magalada Muqdisho uu ka furmo kulanka Wasiirada Caddaaladda dowladda Soomaaliya  iyo Dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka. Kulankaan oo ay qabaneyso Wasaaradda Cadaaladda dowladda Soomaaliya ayaa daba socda kulamadi farsamo ee hore u qabsoomay 21-24 may 2023 oo lagusoo gorfeeyay hawl-gelinta hannaanka garsoorka iyo Asluubta, shuruucda,...

Waaberigii hore ee saaka ayaa waxaa la sheegay in Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay weera ku qaadeen Saldhig Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ku leeyihiin degaanka Masagawaay ee Gobolka Galgaduud. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in marka hore ay maqleen jugta qarax xoogan kadibna uu xigay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa degaanka...

Ciidamada dalka Niger ayaa sheegay inay dileen 55 xubnood oo ka tirsan kooxaha Islaamiyiinta ee xiriirka la leh ururka Daacish, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil sar sare. Hawlgalkan oo socday muddo 22 maalmood ah, ayaa la soo gebagebeeyey maalinimadii Axaddii, iyada oo la bartilmaameedsaday goobaha ay ka degan yihiin kooxaha Islaamiyiintu gobolka ku yaalla dhinaca woqooyi...