Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Shiinaha ayaa hareeraha Taiwan ka billaabay saddex maalmood oo dhoollatur militari ah Sabtidii, si ay u muujiyaan carada ay ka qaadeen kulanka madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ay la yeelatay afhayeenka Aqalka Wakiilada Mareykanka, iyadoo wasaaradda difaaca ee Taiwan ay sheegtay inay si deggan uga jawaabi doonto. Dhoolatuskan oo lagu dhawaaqay maalin kadib markii Tsai ay...

Colaadda Laascaanood ka bilaabantay bishii Febraayo 6-deedii ee sannadkan 2023 ilaa haddana socotaa, xal in loo helo daayoo, xataa waan-waan baan muuqan. Alloow noo naga soo qabooji.  Haddaba sida uu sheegay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, md Biixi keliya ayaa awoodeeda leh inuu soo af-jaro colaaddaas. Sidoo kalena isaga ayey ku xidhan yahay inuu sii wadista colaadda...

Wajiga labaad ee howlglada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ayaa si rasmi ah uga biloowday deegaano ku yaala koonfurta magaalaada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ku teedsan hareeraha Wabiga Shabeelle. Howlgalada ka bilaawday Koonfurta Baledweyne gaar ahaan deegaaanada dhaca hareeraha Wabiga Shabeelle waxaa iska kaashanaya ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka...

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa mar kale farriin u diray dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan Al-Shabaab. Madaxweynaha ayaa dhalintaas ugu gacan haatiyey inay ku soo noqdaan dadkooda oo naftooda badbaadiyaan, isagoo balan qaaday in qofkii ka soo hara Al-Shabaab uu xornimo iyo ammaan ku noolaa doono. “Walaalayaal,...

Webiga Shabeelle ee dhaxmara gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa wada biyo aad u farabadan oo cabsi badan ku beeray dadka ku nool xaafadaha magaalada Baledweyne. Biyahaan aadka u badan ee uu keenay wabiga Shabeelle ayaa yimid, kadib markii daadad badan oo ka dhashay roobab lixaad leh oo ka da’ay dhulka dowlad deegaanka Soomaalida ay kusoo...

Waxaa saaka degan xaaladda magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo saacadihii la soo dhaafay ay ku dagaalameen Ciidamada Somaliland iyo kuwa deganka ee la Magac baxay SSC. Goobjoogayaal ayaa sheegaya in weli ay dareemayaan cabsi xoogan maadaama dhinacyadu ay weli isku hor-fadhiyaan goobihii lagu dagaalamay ee duleedka Magaalada Laas-Caanood. Dhinacyada...

Dagaal aad u xooganaa, isla markaana geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu markale Galbeedka gobolka Siti ee dowlad degaanka Soomaalida uu ku dhexmaray Soomaalida iyo Canfarta. Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii maleeshiyaadka Canfarta ay weerar ku qaadeen degaano ay ku sugnaayeen Soomaalida, waxaana dagaalka oo maalmahaan dhacayay...

Ciidamada ammaanka ee dalka Cameroon ayaa baadigoob ugu jira illaa 25 qof oo laga afduubtay tuulooyin ku yaalla xuduudda ay la wadaagaan dalka Nigeria. Dadka deegaanka ayaa ugu baaqay xukuumadaha Nigeria iyo Cameroon inay joojiyaan dablayda hubaysan ee ka hawlgasha xuduudda labada dal. Saraakiisha Cameroon ayaa sheegay in dablayda afduubka geysatay aan la aqoonsan, iyaga...

Puntland ayaa sheegtay magacaabidda ergayga arrimaha Somaliland uu u Magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu yahay qorshe indhaha caalamka looga qariyo waxay ugu yeertay xasuuqa iyo barakicinta Somaliland ay ka geysatay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool. War saxafaadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka aysan sinna dhexdhexaad uga ahayn...

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar loo adeegsaday qaraxyo oo lagu qaaday xarun ganacsi oo ku taalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Weerarka ayaa waxaa qaaday rag hubeysan oo aan heybtooda la garan, kuwaas oo dhowr bam-gacmeed ku tuuray dhismaha goob laga dukaameysto oo lagu magacaabo Al-Macruuf Supermarket. Ilo wareeedyo lagu kalsoonyahay...