Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Milateriga dalka Congo ayaa sheegay in ugu yaraan 36 qof ay dileen kooxaha xagjirka ah ee dalkaas ka dagaalama, ka dib weerar ay ka geysteen dhinaca bari ee jamhuuriyadda dimoqraadiga ah ee Congo. Afhayeen u hadlay ciidamada Congo ayaa sheegay in kooxda lagu magcaabo Xoogagga Isbahaysiga ee Dimoqraadiga ah oo gacan saar laleh kooxda ISIS inay ka dambeeyeen weerarka lagu...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Xarunta Deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho kaga qeyb galay kulan isugu jiray Wacyigelin Bulsho, soo bandhigista wax-qabadka Maamulka Garasbaaley iyo dardargalinta Barnaamijka Garanwaa oo uu horey u iclaamiyay Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud. Kulanka ayaa...

Dalka Giriiga ayaa wajahaya dibadbaxyo ballaaran oo hor leh waddanka oo dhan ah, iyada oo ay sii kordhayso carada ka dhalatay musiibadii ugu xumayd ee tareennada waddankaas oo ay ku dhinteen 57 qof usbuucii hore. 14 qof ayaa weli cisbitaal ku jira ka dib markii tareen xamuul ah uu shil ku galay tareen rakaab ah, oo ay saarnaayeen arday u badan, meel u dhow magaalada dhexe...

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa markale ka hadlay qorshaha muddo kororsiga dowladda ee uu wado Baarlamaanka Federaalka. Shariif ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo dadal kasta oo lagu joojinayo qorshaha socda, isaga oo xusay meesha uu ka taagan yahay “Mowqifkeyga waa meeshii shalay aan uga dignay.” Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale waxa uu...

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane ayaa guddoomiyey shirka Guddi Hoosaadka Golaha Wasiiradda ee Tiirka Soomaali Dunida Heshiis La ah, kaasi oo looga hadlay ansixinta siyaasadda qaran ee qurbo joogta Soomaaliyeed oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah. Shirka ayaa sidoo kale looga dooday hannaankii loo...

Maxkamad Federal oo ku taalla magaalladda New York ee dalka Maraykanka ayaa waxaa bishii February 24-dii la soo taagay 2 Nin oo Somali ah oo lagu eedeynayo inay Taageereen Koox Burcad-baddeed Soomaali ah oo qafaalatay Weriye Ajnabi ah. Labada Nin ee la soo taagay Maxkamadda New York waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Mohamed Tahlil Mohamed iyo Abdi Yusuf Hassan, kuwaasi...

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay si hagar la’aan ah u garab taagan tahay qaddiyada reer Falastiin. Xasan Sheekh oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Al-Jazeera ayaa waxa uu markale ku celiyay in mowqifka Soomaaliya ee Falastiin uusan waxba iska bedelin, isaga oo ugu baaqay Israel inay bedesho istiraatijiyaddeeda dhulka...

Ruushka ayaa aad u daneynaya in uu galaangal muuqda ku dhex yeesho qaaradda Afrika oo ay ku loolamayaan waddamo badan oo reer Galbeed ah kuwaas oo damacsan in danahooda gaarka ah ka fushadaan. Moscow waxaa saaran cunaqabateyn ka dhalatay duullaanka ciidanka Xukuumaddaas ay ku galeen Ukraine 24kii Febaraayo 2022, Dalal ay ugu weyn yihiin Mareykanka, Ingiriiska, Faransiiska,...

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna Duqa Magaalada Jowhar Axmed Meyre Makaraan oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidamada Booliiska Hirshabelle korneel Xasan Dhicisow iyo Taliyaha Ururka 12aad qeybta 27aad ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed korneyl Cali Xuubeey ayaa sameeyey Howgallo looga sifeynayo jidgooyoyin ay dhigteen maleeshiyaad wadada isku xerta Muqdisho iyo Cadalle Howggalka...

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilowday qarax is-miidaamin ah oo ay saaka aroortii hore Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose. Weerarka ayaa waxaa xogan dagaal toos ah oo u dhexeeyay raggii weerarka qaaday iyo ciidamada darawiishta Jubbaland ee ku sugnaa xerada...