Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tobannaan kun oo rayid ah oo ka barakacay Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ay ka gudbeen xadka loogu tallaabo dhinaca Itoobiya ka dib markii uu bilowday dagaalka u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo maleeshiyaad maxalli ah. Tirada dadka ka barakacay magaalada Laas Caanood ee gaaray deegaanka Doole ee dalka...

Sacuudi Carabiya ayaa lacag dhan 1 bilyan oo dollar dhigay bankiga dhexe ee Yemen ee fadhigiisu yahay magaalada Cadan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Sucuudiga ee SPA, iyadoo dowladda dalkaas ay la daalaa dhacayso lacag yari ah iyo sare u kaca qiimaha shidaalka iyo badeecadaha. Riyad ayaa hoggaamineysa isbaheysiga militari ee Yemen oo dagaal kula jira Xuutiyiinta...

Ciidamada Amniga ayaa soo afjaray weerar dagaalamaayasha AL-Shaabab ay ku qaadeen Guri Dowladdu ay sheegtay inay ay ku sugnaayeen Dad Shacab ah oo ku yaalla degmada Cabdicasiis. Weerarka ayaa billawday kadib markii dagaalame ka tisranaa Xubnaha weerarka soo qaaday uu  isku qarxiyay albaabka Guriga, intaas kadibna waxaa billaawday dagaalka. Ciidamada Amniga oo aan ka...

Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa Isniintii si xoogan uga horyimid dhaq-dhaqaaqa muddo kororsiyada is-huwan ee ka socda dalka. Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya waxa ka socda abaabul iyo mooshin ay wadaan xildhibaanada qaar, kaas oo ay ku doonayaan in muddada xil-haynta labada Aqal...

Howl-wadeenada gargaarka ee Soomaaliya ayaa ka walaacsan hoos u dhac ku yimaada gargaarka bini’aadannimo, xilli ay abaaraha dalka ka jira sii jiitamayaan. Deeq-bixiyayaasha ayaa Soomaaliya caawinayay tobannaan sano, inkasta oo xaaladda bani’aadaminnimo ee waddanka aysan waxba iska beddelin, sida ay sheegeen qaar kamid ah howl-wadeenada gargaarka. Dalalka deeq-bixiyaasha...

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa ku eedeeyay xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi in ay leedahay hab dhaqankii dowladii kacaanka, maadaama ay Somaliland rasaas uga jawaabtay mudaharaadkii ka dhacay Laascaanood. Xoghayaha xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in dadka reer Laascaanood aysan sabab la’aan u...

Qaar kamid ah xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Sool ayaa ku baaqay in madaxweynaha Somaliland lala xisaabtamo oo maxkamad lagusoo taago dhibaatada ka socota magaalada Laascaanood. Xildhibaanadan oo katirsan barlamaanka Soomaaliya, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Somaliland inuu ciidamadiisa ku amray inay xasuuq ka geystaan magaalada Laascaanood. Xildhibaan Cabdullaahi Rooble...

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar qorsheysan oo ay xalay xubno ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen xerada Guulwade oo ku taalla gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada waddanka Soomaaliya. Weerarkan oo loo adeegsaday bam-gacmeed ayaa waxaa qaaday rag hubeysan, kuwaas oo dhowr bam ku tuuray gudaha xeradaasi, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah. Sidoo...

Dagaal xoogan ayaa saaka waaberigii ka bilaabmay duleedka magaalada Laascaanood, kaasi oo udhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo kuwa shacabka SSC. Wararku waxay sheegayaan in ciidanka somaliland ay weerar kusoo qaadeen fadhiisin ay ciidanka SSC ku lahaayeen duleedka Laascaanood kadib halkaas uu dagaal ka qarxay. Diryanka hubka waaweyn oo ay adeegsanayaan dhinacydu ayaa saaka...

Shaqaalaha gargaarka ee ka shaqaynaya Soomaaliya ayaa ka walaacsan caajis ku yimaada dalalka iyo hay’adaha deeqda bixiya iyo deeqaha oo hoos u dhaca xilli ay abaaraha dalka ka jira sii jiitamayaan. Maxamed Cabdi oo ah madaxa hay’adda Norwegian Refugee Council ayaa sheegay in deeq bixiyayaasha ay Soomaaliya caawinayeen tobannaan sano inkastoo xaaladda bani’aadaminnimo...