Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaallo iyo duqeymo xoogan oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo geystay khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac intaba. Dagaalladan ayaa soo billowday subaxnimadii Arbacada, waxayna soo gaareen illaa xalay, wuxuuna dagaalka xoogiisa uu ka dhacay deegaanka Inji oo ku yaalla xadka Hiiraan...

Laascaanood weli colaad ayaa ka taagan, Somaliland waxaa lagu eedeynaya duqeymo xiriir ah oo si weyn u waxyeeleyay dad shacab ah, goobo caafimaad iyo kuwo cibaado. Xabad joojin ay dooratay Hargeysa ayaa dhaqan-gelin, iyada oo dhinaca dadka deegaanka u arkeen xabad-joontaas mid la rabo in lagu dumiyo ruuxiyada dagaalka, lana rabo in lagu kala furfuro midnimadooda. Weli...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay guddi qaran oo ka shaqayndoona gurmadka Dhul Gariirka  Turkiga. Guddigan ayuu raysal wasaaruhu sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii ay u muujin lahaayeen taageerada shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay la garab taagan yihiin shacabka Turkiga. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in aysan ka harin...

Xog ay heshay warbaahinta ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay dib u bilowday baadii ay ka qaadi jirtay ganacsatada suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo nala soo xiriiray iyo kuwa aan la hadalnay intuba waxay sheegayaan in kooxdu bilowday xiriiro toos ah iyo dad socda oo suuqa imaanaya, kuwaas oo raba lacagihii ay hore u qaadi jireen. Sida...

Shirkadda diyaaradaha ee Flydubai ee fadhigeedu yahay magaalada Dubai ayaa maanta ku dhawaaqday in ay bilowday duulimaad maalinle ah oo ay ku tagi doonto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga bilaabo 9-ka March sanadka 2023-ka. Shirkaddu waxay sheegtay inay doonayso in Soomaaliya ay si toos ah ugu xirto Dubai iyo Imaaraadka Carabta. Hamad Obaidalla,...

Madaxweynaha Dowlad-Deegaanka Soomaalida (DDS) Mustafa Muxamed Cagjar oo ka hadlay amniga Dowlad-Deegaankaas ayaa sheegay in 6dii bil u dambeysay ay ku guuleysteen sugidda nabadgalyada kana hortageen isku day ‘AS’ ay ku damceen in ay gudaha u galaan DDS. Mustafa Cagjar ayaa tilmaamay in Ciidamada qaybta sirdoonka ay la socdaan dhaqdhaqaaqa ka dhanka ah Amniga ee ka...

Khubarada QM ayaa sheegay in aragtida ugu weyn ee xubnaha ay tahay in hoggaanka ururka Al-Qaacida uu la wareegay Sayf al-Adl, oo horey mas’uul uga ahaa amniga Osama bin laden, islamarkaana tababaray qaar ka mid ah xubnihii fuliyey weerarkii 9/11 ee lagu qaaday Mareykanka. Guddiga khubarada ayaa warbixin ay u gudbiyeen Golaha Ammaanka ku sheegay in weli aan si rasmi ah...

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen, saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaaliya ayaa waxa ay si kulul u cambaareeyeen rabshadaha sii socda ee Laascaanood. Saaxiibada beesha caalamka ayaa si adag u cambaareeyeen rabshadaha sii socda ee magaalada Laascaanood waxayna walaac xooggan ka muujiyeen wararka la xiriira abaabulka kooxaha hubaysan. Sidoo kale, waxaan aad...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Xalay ka qeybgalay Munaasabad balaaran oo soo dhoweeyn ah oo Jaaliyada Hirshabeelle ugu sameeyeen Magaalada Nairobi ee dalkaan Kenya. Ka qeybgalka Munaasabadaan oo Madaxweynaha ay ku wehliyeen wafdigiisa Wasiirada ayaa waxaa kasoo qeybgalay Xildhibaanka Yuusuf Xasan oo laga soo doortay degmada Kaamakuunji,...

Xukuumadda Somaliland ayaa markale ka hadashay xabad-joojinta ay kal hore ku dhawaaqday, taasi oo aan illaa hadda dhaqan-gelin, ayada oo dagaalka uu galay maalintii 9-aad. Wasiirka arrimaha dibbada Somaliland Mudane Ciise Kayd Maxamuud oo ka hadlay arrintaan ayaa sheegay in xabad-joojinta Somaliland ay xal u horseedi doonto xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka...