Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laas-Caanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in saaka markale duleedka Magaalada uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Somaliland iyo dadka degaanka. Xalay ayaa waxaa siweyn duleedka Magaalada Laas-Caanood looga dareemay dhaq dhaqaaqyo Ciidan iyo hub aruursi, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in rasaas weli laga maqlayo duleedka...

Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah (ICRC) ayaa sheegtay in iskahorimaadka dhex maray ciidamada ammaanka Somaliland iyo kuwa SSC ay ku dhinteen 150 qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 600 oo kale tan iyo 6-dii Feberaayo. Jurg Eglin, oo ah madaxa ergada ICRC ee Soomaaliya, ayaa ku baaqay in si degdeg ah oo aan caqabad lahayn loo gaarsiiyo gargaar bini’aadantinimo...

Wasiiru-dowlaha wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) ayaa is-casilay, sida ku qoraan waarqad uu soo saaray . Wasiir (Caana-nuug) ayaa sida uu ku caddeeyay qoraalka uu soo saaray uga hadlay iscasilaadiisa oo uu gudbiyay Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre . Wasirka ayaa sheegay sababta...

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xalay ka dhacay qaybo kamid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay maqaaxi ku taalla xaafadda Kaawa Godey ee degmadaasi, sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah. Wararka ayaa sheegaya in xilligaasi ay maqaaxida ku sugnaayeen askar ka tirsan...

Soomaaliya askari-nimada badi qorta oo ciidanka ku biira balwadaha maanka-dooriya, dadka dilalka soo geystay ee raba qori ay gabaad ka dhigtaan iyo dadka ugu dhibka badan bulshada dhexdeeda oo qoysaska maaro u waayeen. Micnaha dilaa, daroogiista iyo dulmi-low ayaa loo xil saaray inay dal iyo dad ilaaliyaan. Iyada oo aan la inkiri karin inay dhinaca kale jiraan askar dhowrsan...

Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay jadwalka qabashada Kursiga tirsigiisu yahay HOP#086, kaas oo deegaan doorashadiisu tahay Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan. Guddiga oo soo saaray Jadwalka qabashada doorashada kursiga HOP#086 oo ka mid ah kuraasta ugu hadal heynta badneyd doorashadooda...

Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir oo laga soo doorto gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay weerarkii ay Talaadadii kooxda Al-Shabaab ku qaaday guri ay degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho uga ijaareen ciidankii ku soo dhaawacmay dagaallada ka socda gobolkaas. Xildhibaanka oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa la weydiiyey sababta hal guri la isugu geeyey ciidankaas, wuxuuna sheegay...

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caananuug) ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay Wasaaradda ka dib khilaaf xoogan oo soo kala dhexgalay isaga iyo Wasiirka Wasaaradda Fardowso Cusmaan Cigaal. Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku yiri “Walaalayaal damiirkeygu wuxuu isiin...

Kooxo hubeysan ayaa xalay Xaafada Xaawa-taako ee Magaalada Beledweyne waxa ay kudileen Macalin Mowliid oo kamid ah Macalimiinta Dugsiyada Qu’raanka Kariimka. Ciidamo katirsan laamaha Amniga Beledweyne ayaa gaaray halka dilka uu ka dhacay, kuwaas oo howlgallo baaritaano ah wada, wallow ay baxsadeen raggii dilka geystay Weli lama oga cidda ka dambeeysa dilka xalay Magaalada...