Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax bam oo subaxnimadii hore Jimcaha maanta ka dhacay xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah oo u dhow magaalada Goma ee xarunta gobolka Waqooyiga Kivu ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo (DRC), sida ay sheegeen ilo deegaanka ah. Bambaanooyin badan ayaa lagu tuuray xerada Mugunga ee...

Barakac ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kadib fatahaado ka dhashay roobab mahiigaan ah. Goobaha weli barakaca laga dareemayo waxaa ka mid ah xaafadda Kooshin, gaar ahaan Raaderka iyo Kutiimbo oo ah meelaha ay saameynta ugu badan ku yeelato fatahaadda wabiga Shabelle. Qoysas badan oo ka barakacay xaafadahaas ayaa 24-kii saac...

Turkiga ayaa joojiyay dhoofinta iyo soo dejinta I wax kala iibsiga ee la xiriira sraa’iil . Wasaaradda Ganacsiga ee Turkiga ayaa tiri, iyada oo tixraacaysa “musiibada bini’aadanimo ee sii xumaanaysa” ee Gaza. “Dhoofinta iyo dhoofinta wax kala iibsiga ee la xiriira Israel waa la joojiyay, oo daboolaya dhammaan badeecooyinka,” ayay wasaaraddu...

Midowga Yurub oo sabab uga dhigay in Itoobiya aysan wada shaqayn ku lahayn dib u celinta muwaadiniinta sida sharci darrada ah ku jooga dalalka Midowga Yurub, ayaa Isniintii ku dhawaaqay in la adkeeyay shuruudaha fiisaha ee muwaadiniinta Itoobiya. Go’aankan ayaa sidoo kale saameyn ku yeelan doona shacabka Soomaaliyeed ee heysta Baasaboorka Itoobiya maadaama ay ku socdaan...

Qaramada Midoobay ayaa ku dhiiri galinaysa saxafiyiinta Soomaaliyeed in ay kordhiyaan warbixinada ku saabsan caqabadaha cimilada ee Soomaaliya ka jira,maadaama cimiladu ay saameysay nolosha malaayiin Soomaali ah. Maalinta Saxaafadda Adduunka, Jimco, May 3, 2024, Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa sheegtay...

Fallaagada M23 ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ayaa la wareegtay gacan ku haynta Rubaya, oo ah magaalo muhiim ah oo laga soo qodo macdanta casriga ah, ka dib dagaallo xooggan oo maalmo socday, sida uu sheegay afhayeen u hadlay fallaagada. Bariga Congo waxaa hareeyay rabshado tan iyo 1990-meeyadii, waxaana ku dhintay malaayiin dad ah halgan ku saabsan aqoonsiga...

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka  Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Haggar (Dabageed) ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda bandhigga xeerka ciidanka Booliska Hirshabeelle iyadoo lagu qabtay magaalada Jowhar. Munaasabaddan waxaa soo agaasintay Wasaarrada Amniga Gudaha Hirshabeelle waxa kale oo goobjoog ahaa labada Gole ee Hirshabeelle, Taliye ku-xigeenka...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Aqalka Madaxtooyada ee Magaalada Baydhabo ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Somaliya, Joachim Waern. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray mashaariicda horumarinta iyo dib u dhiska ah ee dowladda Sweden ay ka taageeri karto maamulka Koonfur Galbeed si loo xoojiyo adeegyada...

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa u dalacsiiyay Lt Gen Charles Muriu Kahariri oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya (CDF), ka dib geeridii Gen Francis Ogolla oo ku dhintay shil diyaaradeed. Taliyaha Ciidanka Kenya, Maj-Gen John Mugaravai Omenda, ayaa loo dalacsiiyay darajada Lt-Gen, waxaana loo magacaabay Taliye ku xigeenka Ciidamada Difaaca. Dalacsiinta...

Shirkii todobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirada Soomaaliya oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa Soomaaliya waxa ay ku ansixisay heshiis muhiim ah oo dhanka Garsoorka iyo Cadaaladda ah oo ay la gashay Turkiga. Heshiiskan, oo looga dan leeyahay in lagu wanaajiyo xiriirka laba geesoodka ah, ayaa diiradda saaraya xoojinta iskaashiga garsoorka,...