Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo inta uusan soo magacaabin Ra’iisul wasaare cusub waxa uu qaadayaa tallaabooyin dhowr ah, oo la rumeysan yahay inay hortaagan yihiin magacaabista. Xil ka xayuubintii Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre kadib xukuumadda xil-gaarsiintu waxay qaaday dhowr tallaabo oo sharci darro lagu tilmaamay, kuwaas oo madaxweynaha...

War hadda nasoo gaaray ayaa sheegaya in rasaas xooggan laga maqlayo xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho. Rasaastan ayaa illaa iyo hadda la ogeyn waxay tahay, mana cadda in xabsiga la weeraray iyo inay tahay rasaas ay ridayaan ilaalada xabsiga. Dad ku sugan xabsiga dhexe agagaarkiisa ayaa u sheegay  warbaahinta   in rasaastu xooggan tahay, balse aysan ogeyn cidda is-weydaarsaneysa. Wixii...

Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Galmudug ayaa howlgal ay ka sameeyeen Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug waxaa ay kusoo qabteen Darawalada dhowr Mooto Bajaaj oo ka dhex- Shaqeysa Gudaha iyo daafaha Magaalada. Howlgalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay,kadib markii lagu eedeeyay in mid ka mid ah mootooyinka bajaajka lagu ka xeystay wiil dhalin yaro ah islamarkaana...

Cabdullaahi Nuur Xaashi oo ah falanqeeye arrimaha siyaasadda ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha saldhigga AMISOM loogu wareejinayo dhulka dowlad deegaanka Soomaalida ay mudo dheer gadaal ka riixeysay dowladda Itoobiya. Cabdullahi Nuur oo  la hadlay warbaahinta   ayaa sheegay in saldhigaas uu noqon doono halka laga ilaaliyo danaha Itoobiya ee gudaha Soomaaliya, isla markaana...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa uu  kulan la qaatay Ganacsatada gobolka Mudug. Ganacsatada Gobolka Mudug oo warbixin la xiriirta cabasho ku saabsan Canshuur lagu kordhiyay la wadaagay Madaxweynaha waxay uga mahadceliyeen Madaxweynaha isbedelka dhinac walb leh ee horumarka ah oo ay...

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen degaanka sham-gare oo hoostaga degmada Awdheegle gobolka shabeellaha hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab. Saraakiisha horkaceysay weerarka ay Ciidamada Dowladda ku qaadeen degaanka sham-gare ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen inay weerarkasi ku dileen 16...

Dowladda Lubnaan ayaa sheegtay in qaraxii weynaa ee burburiyay qaybo kamid ah caasimadda Bayruut uu ka dhashay 2,750 tan oo ah maadada ammonium nitrate ku keydsaneed Marsada Magaaladaas tan iyo 2014-kii. Lubnaan waxa ay kiimikadaas ku noqotay Musiibo saameysay Dadka Caasimadda, kadib markii qaraxa ka dhashay waxyeelo gaarsiisay Dhimashada 154-ruux oo saacad waliba intaas...

Mas’uuliyiinta waaxda duulista hawada ee Hindiya ayaa xaqiijiyay in Mid ka mid ah diyaaradaha shirkadda Air Indian Express, oo ay la socdeen 191 qof oo rakaab ah ku burburtay garoonka diyaaradaha ee Calicut, oo ku yaalla Kerala ee koonfurta dalkaas. Diyaaradda oo kasoo duushay magaalada Dubai, ay cagaha la weysay waddada ay ku cararaan diyaaradaha, kaddibna u kala go’day...

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu waddaa in maanta ay yeeshaan kulan, kaasoo ka dhici doonto xarunta Golaha Shacabka Muqdisho. Kulankaan ayaa ah Mid walaac badan laga muujinaayo maadaama looga hadlaayo Arrimaha doorashooyinka. Gudoonka Golaha Shacabka ayaa Xildhibaanada ku wargaliyay in ay soo xaadiraan kulanka oo diirada lagu saari doono Arrimaha doorashooyinka. Xildhibaanada...

Dowladda Itoobiya ayaa khad cas u xariiqday Somaliland kana digtay inay ka gudubto, ayada oo sheegtay in saldhigga Masar ay dooneyso inay ka sameysato Somaliland uu yahay mid aan la aqbali karin. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Itoobiya Dina Mufti ayaa yiri “Masar waa dal madax-banaan oo xaq u leh inuu xiriir la yeesho dal kasta oo gobolka ah ah, hase...